|

Raysal Wasaarihii Hore ee Kenya Raila Odinga oo Doonaya in Kenya ay ka Baxdo Somalia DHAGAYSO

Nairobi 03.July 2016 (SDN/QJ):- Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa ugu baaqay dawladda dalkiisa inay la timaado jadwal cad oo ay kaga baxayso Soomaaliya.

 

OdingaOdinga ayaa sheegay in loo baahan yahay in cidamada Kenya lagu soo celiyo xadka islamarkaana ciidanka Kenya ay ku koobnaadaan inay tasiilaad siiyaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

 

Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ayaa qeyb ka ah howlgalka Amisom ee caawinaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

 

Odinga ayaa arrintan ku sheegay waraysi uu VOA ku siiyey magaalada Philadelphia oo uu kaga qaybgalayey shir uu qaban qaabiyey Machadka Diqmoraadiyadda Maraykanak NDI.

Comments are closed