Raysal Wasaare Ku Xigeenka Somalia Maxamed C. Carte Iyo Wasiirka Warfaafinta Maareeye oo Socdaal Lama Filaan ah Galay, U Quus Goynta C.Weli Gaas Iyo Baaxaadega Siyaasada Somalia DAAWO/DHAGAYSO
Muqdisho 15.Aug 2016 (SDN/QJ):- Ra`iisulwasaare kuxigeenka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte (Qaalib) & Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumada Max’ed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa qaatay go’aan lama filaan ah waxaya bilaabeen in ay u safraan Koonfur Galbeed & Galmudug oo ay ka doonayaan in ay ka dhaadhiciyaan qorshahooda ku aadan diidmada qodobadii Madasha Wadatashiga ee Soomaalida.
Safarkii ugu horeeyey oo ay uga gol leeyihiin hirgalinta siyaasadooda gaarka ah ayay ku gaadheen magaalada Baydhabo, iyadoo la filayo inay uga sii Gudbaan magaalada Cadaado oo ay kula kulmayaan Madaxda Saree e Maamulka Gal Mudug.
Tibaaxo hoose ayaa sheegaya in Qaalib iyo Maareeye ay qorsheynayaan in ay dood badan galiyaan qorshaha Madasha Wadatashiga, gaar ahaana xubnaha dheeraadka ah ee ay heshay Puntland oo ay u arkaan Sad Somaliland Lahayd.
Safarkan oo ah mid siyaasadeed, hadii ay ku guuldareystaan in ay xal kama dambeys ah u helaan waxayna quuldareynayaan labadan masuul iyo kooxaha kale ee kamid ah baarlamaanka Faderaalka in ay qaataan go’aan kale oo ah in ay ka tagaan Koonfurta Soomaaliya,una Huleelaan halka ay ka soo Jeedaan oo ah Somaliland Maadaama uu Madaxweyne Siilaanyo Cafis aan Shuruud wadan u fidiyey.
Geesta Kale Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor sii horeysay si cad u karbaashey kooxaha doonaya in ay ka hor yimaadaan go’aamadii Muqdisho ka soo baxay, wuxuuna sheegay in matalaada kooxaha Xaafado Muqdisho ah ku sugan aysan aheyn mid aan sax aheyn.