|

Raysal-wasaare Khayre oo Qiray inay Beesha Caalamka La qaateen in Ciidammada Soomaaliya lagu Koobo 18,000

Muqdisho 03. May 2017 (SDN/QJ):-Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa caddeeyey jiritaanka qorshe lagu burburinayo Ciidammada Xoogga dalka oo la sheegay in lagu heshiiyey in lagu soo koobo siddeed iyo toban kun oo Askari oo keli ah, halka ay hadda tiradoodu tahay illaa 32,000.

Arrintan oo soo shaac-baxday markii toddobaadkii hore Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay sheegeen in lagu heshiiyey in la burburiyo Ciidammada Soomaaliya oo ay Madaxweyne Farmaajo, Raysal-wasaare Khayre iyo Madaxda Maamul-goboleedyada Federaalku ku kaceen Khiyaano Qaran oo uu Madaxweynuhu Masuul ka yahay qorsha ah burburinta iyo baabbi’inita Ciidammada Qalabka Sida oo siddeed iyo toban kun in lagu soo koobo ay isla qaateen, iyaga oo fulinaya amarro iyo dalabyo ka yimi Beesha caalamka.

Iyaga oo Toddobaadkii hore Xilddhibaannadu Baarlamaanka u soo jeediyeen in loo yeedho Madaxweynaha, Raysal-wasaaraha iyo Masuuliyiinta Hay’adaha Ammaanka Soomaaliya qaabbilsan, iyaga oo taa ka duulaya, ayey Guddiyada Difaaca, Arrimaha gudaha iyo Amniga ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, la yeesheen Raysal-wasaaraha iyo Masuuliyiin kale, kuwaas oo Sabtidii hor-yimi Guddiyadaas.

 

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, ayaa sheegay in ay Qoraal ka soo saareen Kulammo ay Guddiyada Baarlamanka ee dhinaca Amniga iyo Difaacu la yeesheen Raysal-wasaaraha, Wasiirrada Amniga, Gaashaandhigga iyo Saraakiil Wasaaradda Gaashaandhigga ka saaran oo la xidhiidhay su’aalo iyo xog-waraysiyo ay Guddiyadu kala yeesheen waxa qasbay in Siddeed iyo Toban Kun oo Askari oo keli ah lagu soo koobo Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya oo hadda tiradoodu ka badan tahay Soddon kun, sida lagu go’aamiyey Shir dhawaan ay Madaxda Federaalka iyo Maamul-goboleedyadu ku yeesheen Muqdisho.

 

Qoraalkaas Guddiyadu ku soo ururiyeen Nuxurka Warbixinta Raysal-wasaare Khayre siiyey, waxaa Golaha Shacabka ka hor-akhriyey Xoghayaha guud ee Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Xildhibaan Sadiiq Warfaa, waxaanu halkaas ka akhriyey qodobbo dhawr ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen; in Raysal-wasaaruhu caddeeyey qodobkaas, balse uu cudur-daar kale ku ladhay, sheegayna inaan wax lagu qasbayo Soomaaliya aanu ahayn.

 

Xoghaye Xildhibaan Warfaa oo akhriyaya qodobbada Raysal-wasaaruhu warbixintiisa ku soo koobay, waxa uu yidhi; “In Ciidammada Xoogga dalku ay noqon doonaan kuwo isku dhafan, dheelli-tiran, isla markaana ka wada hawlgeli doona dhammaan geyiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo aan kala soocnayn, qaybahana ay si wada-jir ah uga wada hawlgeli doonaan, iyaga oo amarkana ka qaadanaya Hal meel oo ah Talisyada, iyada oo aanay Goleyaal Siyaasadeed u dhaxayn doonin Taliyaha iyo Askariga meel kasta oo ay kaga sugan yihiin dalka.”

 

“In Sababta loo xaddiday Tirada Ciidammada Xoogga dalka oo la yidhi; ’18,000 Siddeed iyo Toban Kun baa laga dhigayaa’ ay ka dambaysay kaalmada iyo ballan-qaadka Saaxiibbada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ay ka taakulaynayaan dawladda Soomaaliya. Laakiin, aan lagu qasbayn in Tiradu ay intaas noqoto, Ciidankeenna Tiradiisuna ay Dawladda Soomaaliya u taallo.

In haddii ay timaaddo in la kala doorto Midnimada Ciidankeenna iyo Madax-bannaanida Taladeenna iyo dhinaca kale qancinta Ajaanibka ay Xukuumaddu dooranayso go’aammada la xidhiidha Midnimada iyo Madax-bannaanida Ciidankeenna.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sidiiq Warfaa oo hadalka Raysal-Wasaaraha akhriyay.

Comments are closed