Raysal Wasaaraha Somaliya oo Sheegay in uu Geed Dheer iyo Mid Gaaban uu u Fuulaayo Midnimo Mar Kale Dhex Marta Somaliya iyo Somaliland DAAWO
Muqdisho 01. April 2017 (SDN/QJ):- Raysal Wasaaraha dawladda Somaliya, ayaa sheegay in dawladdiisu ay geed dheer iyo mid gaaban ba ay u fuuli doonto siddii ay u soo xero-gelin lahayn Somaliland, waxaana uu sheegay in ay qaadayaan isla mar ahaantaana ay ku soo dhaweynayaan tallaabo kasta oo ay Somaliland kaga mid noqoneyso Somaliya isaga oo si aada carabka ugu adkeeyey in ay ka go’an tahay in la helo midnimada Somaliya.