|

Raysal wasaaraha Somaliya oo ka shakiyey Ciidanka Amisom, kuwa Somali ahna isku xeeray

Muqdisho 24.Feb 2014 (SDN)- Tan iyo markii uu dhacay qaraxyadii iyo weerarkii kooxda Al-Shabaab ku eegteen madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa soo baxayeygal-daloolooyin ay leeyihiin ciidankii AMISOM ee ilaalinayey madaxtooyada iyo madaxda dalka Soomaaliyaba.

amisomDagaal qadhaadh oo dhexmaray kooxda xagjirka ah ee soo weerartay Madaxtooyada iyo ciidanka ilaalinayey madaxtooyada ayaa waxaa muuqatay inuu u dhexeeyey oo kaliya ciidamada Soomaalida oo aanay ka qeyb gelin AMISOM. Waxaana taasi ay noqotay caalamatu su’aal la saaray heerka  ay joogto kalsooni lagu qabo ciidanka AMISOM.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed oo xilliga uu weerarkaasi dhacayey safar dibada ah ku maqnaa ayaa soo gaabiyey socdaalkaasi. Waxaana uu deg deg ugu soo noqday magaalada Muqdisho xilli ay Madaxtooyadda lagu laayey  xubnihii ugu muhiimsanaa xafiiskiisa oo ay ku jireen Maxamuud Cabdulle “Indhacase” iyo darawalkiisii Yantaar.

Waxaana xogta Ra’iisul wasaaraha la siiyey ay noqotay inaanay ciidanka AMISOM dagaal adag la gelin ciidankii Al-Shabaab ee awooda kusoo jiidhay ammaankii lagu jiifay ee madaxtooyada ilaa ay gaadheen Masjidka madaxda ay ku tukan jirtay oo ahaa mid aan sahal lagu gaadhi kari jirin, taasi oo shaki weyn ku beertay.

Ilo ku dhaw xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegaya inuu Cabbdiweli Shiikh Axmed isla shalayba iska reebay ciidankii AMISOM ee ammaankiisa ilaalin jiray islamarkaana uu sameystay ciidamo Soomaaliyeed oo si gaar ah uga difaaca wixii khatar ah ee kasoo waajaha kooxaha nabaddiidka ah. Maadaama waxa dagaalka adag Al-Shabaab madaxtooyada kula galay ay ahaayeen ciidanka Soomaaliyeed.

Cabbdiweli Shiikh Axmed waxaa uu garowsaday in geesinimada iyo ammaanka ay ku jirto gacanta wiilasha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo jilibka u dhigi kara wixii khalkhal gelinaya amaanka shacabka iyo madaxdaba” ayuu yidhi howl-wadeen ka tirsan xafiiska Ra’iisulwasaaraha oo magaciisa codsaday in aan la shaacin.

Shalay mar uu ka qeyb galayey aaska allaha u naxariistee Maxamuud Indhacase ayuu Ra’iisul wasaare Cabdiweli soo kaxeystay ciidanka Soomaaliyeed oo kaliya, isagoo magaalada dhowr meel ka soo maray. Iyadoo aan marna lagu arkin ciidankii iyo baabuurta qafilan ee ay isticmaalaan AMISOM.

Iyaddoo taasi  hadal heynteeda uu shalay  jiray ayaa  maantana waxaa uu Ra’iisul wasaare Cabbdiweli Shiikh Axmed uga soo qeybgalay banaanbixii shacabka Muqdisho dhigeen ciidan Soomaaliyeed isaga oo wata islamarkaana ka maarmay ammaankii ay AMISOM u sugi jirtay.

Shalay iyo Maanta Ra’iisul wasaaraha waxaa uu ficil ku muujiyey inuu aaminsan yahay ciidanka xooga dalka inay ammaanka gacan bir ah ku qaban karaan oo aan ciidan  kale  laheyn geesinimadooda oo kale. Waxaase arrintaasi wali guux  badan ka keenay madaxda AMISOM oo shirar hoose leh” ayuu yidhi Maxamed Cilmi Nuur oo ah siyaasi Soomaaliyeed oo shalay ka qeybgalay isku soo baxa Muqdisho.

Xeel dheerayaasha dhinaca ammaanka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay inaanay wax dhibaato ah kasoo gaadhin dagaalkii madaxtooyada ciidankii AMISOM ee lagu haleynayey ammaanka madaxda. Halka ay dhaawac iyo dhimasho ay kala kulmeen ciidamadii Soomaaliyeed ee yareeyey khasaarihii ay doonayeenkooxda Al-Shabaab.

Shir habeen hore ka dhacay Madaxtooyada oo deg deg ahaa oo ay yeesheen golaha wasiirada iyo laamaha ammaanka ayaa wax badan la iska weydiiyey weerarkii madaxtooyada sida uu u dhacay iyo qaabka ay ciidanka madaxtooyada jooga ee isugu jira Somali iyo AMISOM uga qeyb qaateen difaaciisa. Iyaddoo5 cisho oo kaliya loo qabtay gudi wasiiro ah oo arrintaasi inay baadhaan loo saaray.

Waa markii ugu horeysay oo  Ra’iisul wasaare Soomaaliyeed laba maalin oo isku xigta Muqdisho ku dhex maro baabuur ay ilaalinayaan ciidan Soomaaliyeed oo kaliya, halkii awal AMISOM ku wadi jirtay baabuur qafilan oo waliba wadooyinka ay marayaan gebi ahaanba laga xidhi jiray shacabka Soomaaliyeed.

AMISOM ayaan ilaa hadda si toos ah uga hadlin tuhunka soo galay ee ka imaanaya madaxda Dalka Soomaaliya ee ku aadan inaanay si daacad ah uga hortaginkooxda Al-Shabaab iyo khatartooda. Dhaqaalaha ugu badan ee ciidan la siiyana waxaa qaata waa AMISOM. Halka aanay xilliyada qaar mushahar helin ciidanka Soomaaliyeed.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed