Raysal Wasaaraha Somalia oo Ku Margaday inuu Cadeeyo Sababta ay Itoobiya ugu Dhiibeen Hogaamiye ka Tirsanaa Ururka ONLF DAAWO
Muqdisho 01. September 2017 (SDN/QJ):- Raysal Wasaaraha dawladda Federaalka Somalia Xasan Cali Khayre ayaa Markii Kowaad waxaa wax laga weydiiyey Warar sheegaya in dawladiisu ay dalka Itoobiya u gacan gelisay Sarkaal ka tirsanaa Ururka ONLF oo lagu naanayso Qalbi Dhagax kaas oo Ciidamadda Somalia ay ka soo qabteen Magaaladda Gaalkacayo.
Waxaa kale oo Raysal Wasaare Khayre uu ka hadlay Wada hadalka ay la fureen Sheekh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo ka soo goostay Xarakada Alshabaab.