Raysal Wasaaraha Somalia Iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Juba Land iyo Punt Land oo Ku Wada Ciiday Garowe iyo Weedhihii Hawada la isu Mariyay DHAGAYSO
Garowe 17.July 2015 (SDN/QJ)- Saalada Ciidul Fitriga ayaa magaalada Garoowe si weyn looga ciiday waxaana dadweynaha ay ku tukadeen intooda badan Garoonka kubadda Cagta Mire Awaare iyadoo ay jirto in dadweynahu ay ku tukadeen Masaajiyada waa weyn ee Garoowe, Waxaa salaada Ciida kala qayb galay dadweynaha raysal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Wasiiro, Xildhibaano, Nabadoono iyo Isimo.
Tukashada Salaada ka hor ayey madaxda, Isimada iyo Culumada khudbado kala duwan ka jeediyeen Garoonka iyagoo kaga hadlay marxalada ka duwan, Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ahaa isimada goobta ka hadlay ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta Ciida iyo soo gudashada ay soo cibaadeysteen bishii Ramadaan, Islaanku wuxuu Soomaalida uga baryey in ay midnimo iyo dowlad hirgasha sanadka xiga.
Islaan Ciise wuxuu madaxda Dowladda Puntland, Jubbaland iyo Dowladda federaalka kula dardaarmay in ay ka shaqeeya danta dadka Soomaaliyeed maadaama ay u matalaan maamulka, Wuxuu rajo ka muujiyey in maamuladda iyo dowladda ay wadagaaraan midnimo iyo guul.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay ciidii ugu horaysya oo uu la ciido dadka reer Puntland isagoo uga mahadceliyey shacab iyo maamul sida ay u soo dhaweeyey, Nabadda ayuu sheegay in ay kow ka tahay in madaxda Soomaaliya oo idil maanta kuwada ciidaan magaalada Garoowe.
Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo khudbad dhinacyo kala duwan ka hadlaysa soo jeediyey ayaa hambalyo ka dib ka hadlay Nabad galyada iyo dowladnimada wuxuu rajo ka muujiyey in dowladda iyo shacabka ay isla wada sugaan nabadgalyada.
Arrimaha Soomaaliya isagoo ka hadlaya ayuu sheegay in dowladda Puntland ay tahay mida kaliya ee har iyo habeen u taagnayd midnimada iyo dowladdanimada xili hore iyo hada, wuxuu sheegay in arrimaha la isku haysta ay tahay kuwo la dhamayn karo balse Puntland aysan diyaar u ahayn in lagu dirqiyo wax ka hor imaanaya dowladnimada iyo dastuurka KMG.
Maamulka Galmudug ayuu markale Madaxweynahu ka hadlay oo uu sheegay in aysan aqoon sanayn Puntland ay weli garowsan tahay in lagu tuntay dastuurka Soomaaliya, Wuxuu sheegay in Puntland aysan ka soo horjeedin dad Soomaaliyeed oo maamul dhisanaya.
Ugu dambayn Raysal wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa hambalyo u diray dhamaan ummadda Soomaaliyeed, Cumar ayaa si kooban uga hadlay qodobo ka mid ah arrimaha Puntland, Federaalka iyo midnimada Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda ay aqoon san tahay Xuduudaha dowladda Puntland sidoo kalana ay la socoto xuduudaheeda oo uu sheegay in tahay mid lama taabtaan ah.