|

Raysal Wasaaraha Jarmalka oo Aqbashay in La Xadido Qaxoontiga Magangalyo Doonka ah ee Jarmalku Qaabilo!!

Berlin 11. October 2017 (SDN/QJ):- Ra’isal wasaaraha dalka Jarmalka Angela Merkal iyo Xisbigeeda ayaa Ogolaaday in la xadido tiradda dadka qaxoontiga ah ee soo Gelaya dalka Jarmalka, talaabadan oo ay ku doonayaan inay isku mowqif ku mideysnaadaan xulafadooda ee Xisbiga midawga shacabka Masiixiyiinta.

Heshiiskan ay Mabda’ahaan waxay labada xisbi ee xulafada ahi isla gaadhen ka mid markii ay yeesheen kulamo hal maalin ah socday oo ay u yeesheen Magaalada Berliin,si loo soo afjaro loolankii kala aragti duwanaanshaha labada xisbi ka dhexeeyey muddo ku siman laba sanadood.

 

Waxa kale oo heshiiskani suura gelinayaa in la dhiso xukuumad cusub oo wadaag ah, oo ay ka qayb yihiin Axsaab kala duwan ka dib doorashadii Baarlamaanka ee dalkaa ka qabsoontay dhamaadkii bishii Septenbar ee la soo dhaafay.

Comments are closed