Raysal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo Wacad Ku Maray in Itoobiya ay Ka Go’an Tahay Sidii ay Somalia Nabad uga Dhalin Lahayd
Addis Ababa 15. June 2017 (SDN/QJ):-Addis Ababa- Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa daboolka ka qaaday in Itoobiya ay ka go’an tahay inay sii wado dedaalada lagu xasilanayo Soomaaliya.
Hailemariam, waxa uu sidaasi ka sheegay kulan uu la yeeshay dhigiisa Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo booqasho ku jooga Addis Ababa, siday faafisay wakaallada wararka Itoobiya ee ENA.
Labada masuul waxay falanqeeyeen sida lagu sii xoojinayo xidhiidhka jira ee ka dhaxeeya labada waddan iyo iskaashigooda mustaqbalku sida uu noqonayo, sida uu sheegay ergayga/musaacidka khaaska ah Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya, Ewnetu Bilata.
Dhinaciisana Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre,waxa uu sheegay inuu jecel yahay inay Itoobiya ka bartaan kaalingelinta dhaqaalaha gaar ahaan warshadaha yar yar iyo kuwa dhexe.
Halkan Hoose Guji