|

Raysal Wasaaraha Israa’il oo Gaadhay Dalka Liberia oo uu Kaga qayb galayo Shirka Ecowas

Liberia 06. June 2017 (SDN/QJ):- Ra’isal Wasaaraha Israa’iil Benyamiin Netenyaahu ayaa ka qayb gelaya  shirmadaxeedka kow iyo kontonaad ee Urur Goboleedka Dalalka Galbeedka Afrika ee ECOWAS  kaasoo oo uu ka furmi doona Caasimada Dalka Liberia ee Monrovia.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Ra’isal wasaaraha Israa’iil ayaa waxa lagu sheegay in Benyamiin netenyaahu uu shirmadaxeedka Ururka ECOWAS uu ka jeedin doono khudbad .

 

Bayaanku waxa uu intaa ku daray in Ra’isal wasaare Netenyaahu uu kulamo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda Dalalka ECOWAS ee shir-madaxeedka ka soo qayb gelaysa kana wada xaajoon doonaan sidii loo xoojin lahaa Cilaaqaadka Israa’iil iyo Afrika.

 

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxda Dalalka  Afrika qaarkood ay qaadaceen shirka, Madaxdaasi oo uu ka mid yahay Boqorka dalka Maroko Boqor Muxamed-ka Lixaad, kaas oo ka soo horjeestay ka soo qayb galka uu shirka uu ka soo qayb gelayo Ra’isal wasaaraha Israa’iil.

Comments are closed