‘’Raysal-wasaaraha India Wuxuu ahaa Shaahle, Balse Lahaa Riyooyin Waaweyn,Wuxuu Sannadka 2022-ka Ku Haminayaa in Qof kasta oo Hindi ahi Helo Guri isku dhan,Heerkee ayuu Siyaasiga Somaliland Fikirkiisu Yahay’’ Cabdi Kariin Axmed Mooge
Hargaysa 04. June 2017 (SDN/QJ):- Ma ogtahay in Raysalwasaaraha India uu ahaa shaahle/ a tea seller, waa nin leh riyooyin waaweyn, waa chief ministerkii badalay gobolka India ka muuqda ee Gujurat , hada oo uu yahay Raysalwasaaraha India wuxuu ku hamiyayaa in 2022ka in qof kasta oo Indian ahi uu helo guri uu ku noolado iyo suuliyo, hada waa 2022ka oo ay inaga xigta’uun 5sano oo qudha!! tirada dadka Indiana waa 1.34 billion bal adba! mar la weydiiyay sideed u samaynaysaana qorshahan aan suuro galka u muuqan wuxuu ku jawaabay waxaan halkan ku soo gaadhay shaahle!!!
Markaan akhriyay sheekada ku saabsan Raysalwasaaraha India mudane Narendra Modi, waxaan xasuustay tan Somaliland, bal hada maxaynu ka fikirnaa 2022ka oo ay inaga xigta’uun 5sano oo kali ahi? Kuwa sharaxani waxaan reero ay la shireen, beelo xisbi ka digo roganaya, beel tageeradeeda siisay xisbi iyo is xulifaysiyo beleedyo waxaan ahayn miyaynu ka aragnay?
Raga sharaxani haynoo shegaan waxay Somaliland ugu riyoonayaan iyo sida ay nolol ugu samaynayaan 3 milyan iyo badhka reer Somalilad, sida ninkaa Narendra Modi, oo dadkiisu yahay 1.34 billion hadana doonaya in qof kasta ku helo guri mudo shano ah gudaheed! halkay inagu mashquulinayaan tolaay reer hebelowda siyaasadi Somaliland ka dhigtay wax laga yaqyaqsoodo oo marka ay dadku dawadaan Tvda ka dhigtay meel lagu qoslo oo wax ka socda u egyahay riwaayad aduunka laga dawanaayo!
Shacbiyahow qabyaaladdu ka adkaatey u toos dantaada iyo sidaad nolol u heli lahayd ka shaqee. Xisbiyo xumada, maamul xumada, hogaan xumada iyo musuqa aad qabiilka ku difacaysaan nolol idiin noqon maayo. Shacabyahow waad aragtaan waxa ka taagan maanta Burco iyo siday dadki u dhimanayaan. Shacabyahow waxaad u soo joogteen intii kaga dhimatey abaartii iyo siday daruuftu ahayd ayaamo ka hor.
Shacab ahaan waa in aad isweydisaan maxaa qaldan Somaliland! waana in aan u wada istaagnaa in aan danaheena u midowno oo iska xoorno heryada qabyaalada ee halkaas ina dhigtay.
Cabdi Kariiin Axmed Mooge