|

Raysal-wasaaraha Hindiya Oo Booqasho kedis ah ku tagay Dalka Pakistan

Lahore,26Dec,2015(QJ/SDN)-Narendra Modi ayaa shalay oo Jimce ahayd booqasho kadis ah waxa uu ku tagay magaalada Lahore ee dalkaasi Pakistan halkaas oo uu kulan saacado ah kula qaatay dhiggiisa dalka Pakistan Nawaz Sharif.

Mr. Mode oo kasoo kicitimay dalka Afghanistan oo uu booqasho ku joogay ayaa waxaa ay diyaaradiisu taransit ku noqotay dalka Pakistan, gaar ahaan magaalada Lahore halkaas oo ay ka socotay xaflad dhalasho oo uu lahaa R/wasaaraha Pakistan Nawaz Sharif.

Narendra Modi ayaa noqonaya R/wasaarihii ugu horreeyay oo mudo toban sano ka badan booqasho ku tago dalkaasi Pakistan, iyadoo booqashadii ugu dambeysay ee masuul Hindi ah uu ku tago dalka Pakistan ay ahyed sanadkii 2004-tii.

Booqashadan maanta ayaa kusoo beegmeysa xilli xidhiidhka labadaasi dal uu aad u qabow yahay islamarkaana ay mararka qaar ku dagaalamaan soocdinta Kashmir.

Comments are closed