|

Raysal Wasaaraha Dawlada Federaalka Somalia Mr Khayre oo Sheegay in Shirka Golaha Wasiirrada Toddobaadkan In Beri lagu qabanayo Kismaayo & Waxa Sababay!

Muqdisho 12. July 2017 (SDN/QJ):- Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa shaaciyey in markii u horreysay Shirka Golaha Wasiirrada ee Khamiista toddobaadkan lagu qaban doono meel ka baxsan Xarunta Villa Soomaaliya ee Caasimadda Muqdisho, isla markaana ay ku shiri doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta Maamul-goboleedka Jubaland.

Waxa uu Raysal-wasaare Khayre oo Warbaahinta la hadlay sheegay, in Khamiista soo socota Kismaayo Shirkaasi ku qabsoomi doono, waxaanu ujeeddada halkaas loogu qabanayo mar uu ka hadlayey ku dooday, in ay Xukuumad ahaan iyo dawlad ahaan uga dan-leeyihiin xoojinta xidhiidhka u dhexeeya dawladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada Soomaaliya.

 

Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, waxa uu sheegay in Kismaayo ka dib, sidoo kale toddobaadyada xiga ay Xubnaha Xukuumadda uu hoggaamiyo ee Golaha Wasiirradu Shirkooda toddobaadlaha ah Khamiisma magaalooyinka kale ee Maamul-goboleedyada Soomaaliya ka jira ay ku yeelan doonaan, sida uu hadalka u dhigay Md. Khayre.

 

Shirarkan Golaha Wasiirrada ee uu Raysal-wasaare Xasan Khayre sheegay in Xarumaha Maamul-goboleedyada Soomaaliya ka jira Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalku ku yeelan doonaan, ayaa noqonaya markii ugu horreysay ee ay Golaha Wasiirrada Xukuumaddan iyo labadii Xukuumadeed ee ka horreeyey inta la xasuusto ay ku yeeshaan meel ka baxsan Caasimadda Muqdisho.

Diyaargarowga ku aadan shirka Golaha Wasiirada ayaa laga dareemayaa magaalada Kismaayo oo laga bilaabay howlgalo xoogan oo amaanka lagu sugayo.

Comments are closed