Raysal Wasaaraha Dalka Yemen oo Iran ugu Goodiyey in aanay Dhulka Yemen kaga Guulaysan doonin Waddamada Carbeed
Sanca 04. August 2017 (SDN/QJ):- Raysal wasaaraha Dalka yaman Dr Axmed Cubeyd ayaa Khamiistii waxa uu sheegay in Dawlada Yaman aanay u ogolaanayn jamhuuriyada Iran inay dhulka Yaman kaga guulaysato Dalalka carabta, sidoo kalena aanay ogolayn in maleeshiyaadka Xuutiyiinta iyo xulafadooda Cali cabdalla Saalax ay gacanta ku qabtaan qayimka umadda reer yaman.
Raysalwasaaraha oo ka hadlayey kulan golaha wasiirada ku yeesheen magaalada Cadan ayaa waxa uu sheegay inay Xukuumada ka go’an tahay dib u hagaajinta dhismayaashii hay’adaha dawlada ee Magaalada Cadan, waxana uu dalbaday in midnimo la muujiyo.
Dhanka kalena Mr Cubeyd waxa uu ballanqaaday in la sii wadayo waxii taakulo ah ee loo fidinayo shacabka yaman oo dhibaatada haysata uu mas’uuliyadeeda dusha u saaray kooxda Xuutiyiinta iyo xulafadooda.