|

Raysal Wasaaraha Dalka Ciraaq oo Cadeeyay inay Si buuxda Gacanta ugu Dhigeen Magaaladda Talcafar Kadib Dagaal Socday 320 Cisho

Baghdad 01. September 2017 (SDN/QJ):- 320 maalmood oo dagaalku ka socday Gobolka naaynawa ee dalka Ciraaq ayaa raysalwasaaraha wadankaas Xaydar Al-Cibaadi waxa uu ku dhawaaqay khamiistii maanta in ay si buuxda u wada qabsadeen Magaalada Talcafar oo ahayd Magaaladii ugu dambeeyey ee la ogaa ee gacanta ugu jiray kooxda dawlada islaamiga ah ee Daacish.

Dagaalyahandii kooxda daacish ee ka baxday Magaalada talcaffar ayaa dib ugu gurtay deegaanka WAXIIS oo ay saldhig adag ku leeyihiin kooxdaasi, sida uu baahiyey telefishinka caalamiga ah ee Aljazeera.

Raysalwasaare Cibaadi ayaa u hambalyeeyey Ciidamada Ciraaq iyo maleeshiyaadka shiicada ee ka dhinac dagaalamaya, kuwaasoo duulaankoodii ay xulafada reer galbeedka dusha sare ka taageeraysay dib ugu qabsaday magaalooyinkii ka tirsanaa Gobolka Naaynawa ee ku jiray gacanta kooxda daacish sida magaalooyinka Mousel iyo Talcafar.

Comments are closed