Raysal Wasaaraha Cusub ee Somalia oo Kulan Siyaasi ah la Qaatay Xildhibaanada Beelaha Hawiye & Qodobada Laga wada hadlay
Muqdisho 27. February 2017 (SDN/QJ):- Raisul wasaaraha magacaaban ee xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa kulan xasaasi ah kula qaatay magaalada Muqdisho xildhibaanada Baarlamanka Somalia ee ka soo jeeda beelaha Hawiye.
Xildhibaanada beelaha Hawiye ayaa sheegay iney si buuxda u taageersan yihiin raisul wasaaraha cusub ayna codka kalsoonida siin doonaan marka la horkeeno Baarlamanka.
Xasan Kheyre raisul wasaaraha xukuumada Somalia ayaa xildhibaanada uga mahad celiyey taageerada ay u muujiyeen isagoo balan-qaaday haddii uu codka kalsoonida ka helo baarlamanka inuu si cadaalad ah ugu shaqeyn doono bulshada.
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda horgeyo baarlamanka raisul wasaarihiisa cusub si loo ansixiyo.
Raisul wasaaraha magacaaban ee xukuumada Somalia ayaa aad loo filayaa inuu codka kalsoonida ka helo xildhibaanada si u guda galo dhismaha xukuumadiisa cusub.
Waxaa ka qeyb galay kulankan illaa 55 xildhibaan, waxaana soo xaadirin xildhibaano kale oo safaro ugu maqnaa dibeda.