Raysal-wasaaraha Ciraaq oo Tegay Mosul oo Dagaal adagi ku dhex-maray Ciidanka Dawladda & Kooxda Daacish
Mosul 09. July 2017 (SDN/QJ):- Ra’isal-wasaaraha Waddanka Ciraaq Xaydar Al-Cabbaadi, ayaa Maanta Safar ku tagey magaalada Mosul ee dalkaas oo dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey dagaal qadhaadhi ka socday, waxaanu sheegay in magaaladaas laga xoreeyey Kooxda la baxday Dawladda Islaamka ee Daacish ama ISIS.
Waxa uu Raysal-wasaaraha dawladda Ciraaq Hambalyo iyo Bogaadin u jeediyey Ciidammada Qalabka sida ee Ciraaq iyo Shacabka Reer Ciraaq ee magaaladaas ku dhaqan oo uu sheegay inay muujiyeen iskaashi iyo waddaniyad ay iskaga xoreeyeen Cadawga ku soo duulay ee Daacish, sida uu hadalka u dhigay.
Inkasta oo ay jiraan Warar sheegaya in isla Axaddii Maanta Warar sheegaya dagaal ka socday qaybta Qadiimka ah ee magaalada Mosul, halkaas oo la sheegay inay isku urursadeen Dagaalyahanno ka tirsan kuwa magaalada badi laga xoreeyey ee Daacish oo la sheegay in 30 ka tirsan la dilay, iyagoo doonaya in ay baxsadaan oo isku Tuuray Webiga Dejla, balse dagaal aan wakhti badan qaadan oo Ciidanka Ciraaq la galeen la tibaaxayo in lagu dilay.
Qiiqa ka baxaya Badhtamaha magaalada, ayaa Cirka isku shareeray, waxaana la maqlayey Rasaas googoos ah oo qaybtaas Dagaalku ka dhacay laga maqlayey Hubka ay labada dhinac isu adeegsanayeen. Waxaa la xidhay waddooyinka magaalada intooda badan, waxa la sheegayaa sida Warbaahinta qaar baahiyeen in meelaha qaar iyo waddooyinka lagu arkay Meydad ka tirsan Dagaalyahannada Daacish ka tirsan oo ay ka yaaceen.
Magaalada Mosul, oo ku taalla Waqooyiga dalka Ciraaq, isla markaana tan iyo bishii Atoober ee sannadkii 2016-kii ahayd meesha ay hawlgallada ugu badan ee Millateri ka wadeen Ciidammada Ciraaq, ayaa ka mid ah meelaha ay sida wayn u qabsadeen ama awoodda xooggan ugu lahaayeen Kooxda Daacish illaa 2014-kii, waxaana dhawrkii bilood ee u dambeeyey ka socday magaaladaas iyo nawaaxigeeda dagaallo qadhaadh oo dhex-maray Ciidammada Ciraaq oo ay Caawinayeen Tabobbarayaal Ajaanib ah iyo Diyaarado Dagaal iyo Kooxda Daacish oo ay Ciraaq sheegayso inay si xooggan u wiiqday awooddeedii magaaladaas iyo inta ku dhawba.
Magaaladaas oo badi burburtay ama la burburiyey oo aad loogu dagaallamay, ayay Shacabkii ku noolaa dhibaato xooggan kala kulmeen, ka dib markii ay Daacish ku qasabtay inaanay qixin, waxaanay markii dambe noqdeen wax Madaafiicda la isku ridayo ku dhintay, wax dirqi ku qaxay iyo wax dhaawacmay.