Raxmaadka Eebbe oo Maansheeyay Jiido Badan oo Ka Tirsan Buuhoodle,Togdheer Iyo Sool
Buuhoodle 28. April 2017 (SDN/QJ):- Gobolka Buuhoodle Ayaa Roobabku Meelaha Qaarkood Heleen Sida U noo Xaqiijiyay Gudoomiyaha Gobolka Buuhoodle Md Cabdirisaaq Ismaciil Axmed Oo Aanu La Xidhiidhnay Isagoo Ku Sugan Magaalada Buhoodle.
Gudoomiyuhu Waxaa Uu Noo Xaqiijiyay In Meelo Kamid Ah Gobolka Uu Roob Wanagsani Helay Waxaana Buuxsamay Baliyada Kala Ah Sool-Joogto, Dureemo-Caddo,Doofaare Iyo Dhuumoodle, Halka Sidoo Kalena Uu Roob Biyo Dhig Ahi Helay Degmooyinka Cegaag Iyo Horufadhi, Magaalada Coodaanle-Na Ay Dhanka Galbeed Ka Biyowday.
Magaalada Buuhoodle Gudaheeda Ayaa Booyadaha Biyuhu Waxaa Shalay Ay Usoo Dhaamiyeen Biyo Xareed Ah Oo Ay Isla Gobolka Kasoo Dhaamiyeen.
Meelaha Kale Ee Roobabkani Heleen Waxaa Kamid Ah Magaalada Burco Oo Raxmad Lagu Qabawsaday Ay Heshay, Tuulada Cago-Raran Ee Degmada Dhoqosheey Ayaa Iyadu Buuxsantay, Degmada Duruqsi Ayaa Iyana Degaanada Ku Hareeraysan Uu Biyo Dhig Helay.
Degmada Balli dhiig, Ayaa Iyana Roobku Helay Waxaana Biyoobay Baraagihii Kaga Yaalay Dhanka Galbeedka Sidoo Kalena Waxay Biyo Galeen Tuulooyinka Kala Ah Dheryaley Iyo Dhagax Dheer Oo Isla Degmada Balli Dhiig Katirsan.
Dhanka Kale Koonfurta Gobolka Sool Ayaa Iyana Roobab Aan Badnayni Ka Da’een Sida Deegaanada Kala Ah Laascaanood, Kalabaydh, Karin Dabayl, Qabri-Bayax, Dhumay Iyo Dhabansaar Inkastoo Aanay Jirin Meel Katirsan Gobolkaas Oo Ay Roobabkaasi Buuxiyeen.