|

Raxan Ka Tirsan Booliska Burco Oo Xalay Xabsiga Loo Dhaadhiciyey iyo Sababaha Keenay

Burco:Aug,11,2014(SDN/QJ)-Wararka ka Imanaya Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Xabsiga loo taxaabay Tiro ka mid ah Ciidanka Booliska ee Magaaladaas ka Hawlgala.

bureCiidanka la xidhxidhay ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa Toddoba Askari, iyadoo lagu daba jiro xubno kale oo isla booliska ka  mid ah. Waxana Ciidankan la xidhxidhay ka mid yihiin Booliska deggen guryihii ay hore u lahaayeen  Booliskii hore ee xilligii Somalia.

Xubnahan Booliska ah ee xalay la xidhay ayaa dhawaan Dawladda Hoose ee Magaalada Burco ku eedeeyey inay  damacsan yihiin Iibinta Aqallada Booliska Xaasaskoodu ku jiraan, taas oo ay Dawladda Hoosena ka cadhootay.

Eedaha Askartan loo jeediyey ayaa waxa ugu horraysa inay diidan yihiin amar dawladda Hoose soo saartay oo sheegaya in Aqallada ay ku jiraan la Iibiyo, taas oo ay si weyn iskaga dhego tireen una diideen.

Toddobada Askari ee xalay la xidhay ayaa magacyadooda lagu sheegay sidan Hoos ku qoran:

 

1: Ismaaciil Deero

2: Saalax Aw Nuux

3:Cabdirisaaq Adem

4: Sakariye Axmed

5: Maxamed Cabdi Axmed

6: Ina Faje

7: Aamina Axmed.

Masuuliyiinta Dawladda Hoose ayaa laga filayaa inay Maanta ka jawaabaan Xadhiga Ciidankan ay u geysteen, iyadoo Bulshada Reer Burcona wali  is weydiinaysa sababta xabsiga loo taxaabay ciidan ku jira Aqallo dawladeed oo ay labaatan sano ka badan xaasas iyo carruuro kusoo korsanayeen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed