|

Ra’sial wasaaraha somalia Oo Ballan Ku Qaaday Inuu Wasiirradiisa Ka Ururin Doono Baasaboorrada Ajaanibka ah ee ay Sitaan

Muqdisho:23-Jan-2014 (SDN)-Ra’isal wasaaraha cusub ee Somalia Cabdiweli Sheekh Maxamed, ayaa markii ugu horraysay Afkiisa kaga Dhawaaqay Tallaabo Hirgelinteedu Wax Badan ka tari karto Shaqo xumada lagu sheego Qurbejoogga wasiirrada ka noqda Somaliya.

rwasaare-cabdi-weli-1-515x343Ra’isal wasaaraha oo habeenkii xalay ka Hadlayey munaasibad madaxtooyada loogu qabtay Baarlamaanka oo fasax dheer gelaya, ayaa isagoo ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey Inuu Wasiirro ka dhigtay Rag sita Baasaboorro sita Ajaanib ah oo xilliyada shaqada waddanka iskag Baxaya sheegay inuu ka Ururin doono Dokuments-ka si aanay si fududu ugu bixin.

Ras’isal wasaaraha ayaa si cad u sheegay inuu Baasaboorada ajaanibka ah ee Wasiirradiisu sitaan uu ku wareejin doono Guddoomiyaha Baarlamaanka somalia, waxana uu yidhi,

“Waxaa ka fiican in Baasaboorada laga qaado anigu waxaan ka imid dalalka Carabta oo marka la shaqaynayo waxaa la iska qaadaa Baasaboorka si uusan qofku dalka uga bixin marka waa talo fiican oo Xildhibaanku soo jeediyay waxaana kusoo wareejin doonaa Guddoonka baarlamanka”.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Golaha Wasiirada ee inta badan hoyga ka samaysta goobaha u dhow xarunta Madaxtooyada isagoo xusay in Wasiiradiisu ay dagi doonaan goobaha kale ee magaalada si amniga wax badan looga qabto.

 

Hadalkan Ra’isal wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli inta badan Madaxda Xukuumada lagu canaanto inay yihiin dad  intooda badani sita Baasabooro Ajaanib ah oo marka ay doonaan waddanka dibadda uga baxa,isla-markaana ka dhaqaaqo waddanka xilliyada shaqadu meelaha xaasaasiga ah marayso.

Ra’isal wasaaraha ayaan u fududayn inuu ka dhabeeyo Ballantiisan, maadaama aanay wasiirrada uu haatan wataa sinaba ku ogolayn inay dhiibtaan Baasaboorradooda.

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed