|

Rakaabkii Diyuurada Ethiopian Airlines ee Hargeysa ku Godoonsanaa oo Gawaari lagu daadgureeyay,xagee la geeyay?

Hargeysa Sept 12,2013(SDN)-Rakaab maalmihii u danbeeyay ku godoonsanaa garoonka duyuuradaha ee Hargeysa ayaa haatan gawaari waayen looga daad gureeyay magaalada Hargeysa.

Dadkan oo mudaba cabasho u gudbinayay dawlada Somaliland si goobihii ay ka yimaadeen dib loogu celiyo aya augu danbeyntii iminka la daadgureeyay.

Warar aanu helay ayaa sheegaya in dadkaasi iminka looqaaday dhanka magaalada Jigjiga oo ay duyuuradi ka qaadi doonto.

Arintan ayaa muujineysa baaxada caqabadaha ay duyuurada Ethiopian Airlines u iman weyday magaalada Hargeysa aaney ku koobneyn uun madaarka caasimada.

Balse waxa muuqda in ay jiraan caqabado ay Ethiopian Airlines u iman weyday Somaliland.

Sababta oo ah ma aaney jirin sabab rakaabkan heysatay tickedhada Ethiopian Airlines aaney uga dhoofi kareyn magaalada Berbera.

Si kastaba ha ahaatee talaabadan rakaabka loogu daad gureeyay Jigjiga ayaa ku soo beegmaya xili ay wasiiro xukuumada Axmed Siilaanyo ay dafireen eedeymo mucaaridku u soo jeediyeen oo ku wejahan sababha ay Ethiopian Airlines dalka ugu soo noqon weyday.

SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed