Rajo Dilayaasha Soomaaliya…
Dunida rajo kama dhammaato, waxana ay ku sidkantahay nolosha aadanaha, iyo guud ahaan dunida.
Nabaddu waa rajada dunida, haddii nabad la waayana rajadii dunida ayaa hoos u dhacaysa, waxana xumaanaya filashooyinka ifa ee qalbiga aadanuhu uu ku tamariyo, rajaduna kaligeed isma xumayso ee aadane ayaa loogu daw-galaa falalka gurracan ee rajada mugdiga geliya.
Soomaalida iyo rajo xumaynta
Marka aan leeyahay Soomaalida iyo rajo xumaynta ulama jeedo dhammaan Soomaalida oo dhan, waayo waxaa jira Soomaali qormadan aanay khusayn afcaashooda, waxana ay ku socotaa Soomaalida Soomaaliya oo ah Soomaalida ugu ubucda wayn inta Soomaali ku dhaqan geeska Afrika.
Soomaalida Soomaaliya oo ay kala irdheeyeen dagaallo sokeeye oo ay iyagu gacmohooda ku kasbadeen, ugu dambaynna dhashay qaraxa iyo gawraca maanta ay Soomaalida iyo duniduba anfariirka ka joogaan, kaasoo salka soo dhigtay baro Soomaaliyeed!
Waa lama huraan in khalad uu ka dhoco aadanaha, shaqsi iyo bulshaba, balse maskaxaha fayow, waxay ka faa’iidaan khaladaadkooda, waxana ay samaystaan soohdin lama taabtaan ah oo lagu go’doomiyo xumihii waayo la soo maray.
Akhristow adiga aan ku waydiiyee bal ka warran haddii la waayo dad intoodii rajada aabbaha iyo hooyada u noqon lahaa oo xaqa ku addima, kana arrimin waayaa helidda waddo looga boxo wixii beryo ku soo maray, la waayo isasaamaxaad, qofkii shalay dambi ka galay walaalkiina uu mar uun ka qoomamoon waayo wixii uu falay, beddelkeedase uu weli u sii hanqal taago xumo ka sii wayn wixii uu shalay gaystay! Kuwaasi miyaanay rajadii ifaysay mugdi gelin?
Markaan soo xasuusto waayihii wacnaa ee aan ku soo caqliyaystay, iyo walaalihii la iswaayay, haddana aan arko kuwa rajada mugdi gelinaya, waxaan raadiyaa waddo kale oo wacan, illayn rajo ma dhammaatee, balse Qarsho weeyee qalbigu armuu naga qarxaa!
Iga ogolow inaan inyar dib kuugu celiyo mid ka mid ah xusuusaha aan marna iga dhammaan!
Waxa aan ahay curadka toddoba walaalo ah oo intuba isku aabbo iyo isku hooyo ah, waana lix wiil iyo gabadh, waa intayada nool, ee kumaan darin laba wiil iyo gabadh midkood oo 2 jir ah ay madaxa xabbadi kaga dhacda xilli dagaal sokeeye uu socday, isla markaana aanan jeclayn xasuusta sheekadaasi, iyo wiil iyo gabadh kale oo yaraanta si caadi ah ugu dhintay. Afar ka mid ah toddobada aannu ku noolnahay waxay dhasheen xilliyadii burburka.
Aabahay Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa colonel milatari ah, waxana uu taliye guuto, gaas, iyo abbaanduule qayba ka soo noqday gobollo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah xilligii xukuumaddii milatariga. Gobollada aabbahay loo beddelayay waxay ahaayeen kuwo aannu hadba ula guuraynay. Waxa aan ku soo kala indho qaaday dad isjecel oo aabbahay saaxiibbadii ay yihiin adeeraday, kuwaasoo saraakiil kale ahaa, carruurohooduna ay ahaayeen walaalaha aan iskugu jeclayn!
Inkasta oo uu aabbahay AHU uu ka cagojiiday ka qayb galkii dagaallada colaadihii sokeeye ee dalka ka bilowday iyadoo ay dowladi jirto, ee ay dowladdii milatarigu kula dagaallamaysay jabhado ka soo horjeedey, waxa uu ku mutaystay xabsi guri, iyo in xilalkii ciidan ee uu hayay laga qaado.
Waxase iigu xasuus daran, markaan soo xasuusto xilligii ugu dambeeyey ee jabhado marba qabiil ku abtirsanaya ay qabsadeen degaankii aan degannayn halkaasoo ugu dambayntii walaalihii isjeclaa ee ka soo kala jeedey Soomaali oo dhan ay ku kala irdhoobeen, dibna aan la isku sii arag, illayn waa nala qasbay oo nala kala eryaye! Tolow waayahaasoo kale ma soo noqon doonaan? Ubaddada soo socdaase ma heli doonaan wakhti la mid ah kii ay colaadaha qabyaaladaysan ay naga burburiyeen.
Waxaa la guda galay xilli ay awoodaysteen intii xumayd, oo ay iyagu dadkii kala sooceen, summad qabiilna u yeeleen, kuwaasoo ay kala qixiyeen, intii wanaagsanaydna afka ciidda loo daray oo in badan oo aabahay ka mid ahaa ay wakhtigoodii dunida ku dhamaysteen dhabanno-hays iyo rajo kale oo uu mawdku uga soo hormaray!
Kahor geeridiisii, aabahay waxa uu ii ahaa macalin, iyo waayo arag wax oo aan mahadiyay noloshayda ku kordhiyay, waxana aan ka guntay in qofka wanaagsan qabiilku aanuu suntan, balse haddii aad aragto qof loo nisbaynayo reer hebel uu hantiyi waayay qofnimo wanaagsan oo uu Soomaali ku ahaado.
Xilli aan aabahay salaadda subax masjid ka soo wada noqonnay sheeko uu iiga sheekeeyey waxaan ka xasuustaa “Qofka wanaagsani wuu ka sarreeyaa reer hebel, tusaale u qaado reer Sh Cali Suufi, iyo Aadan Cadde (madaxweynihii Soomaaliya ugu horreeyey), waxay ku sifoobeen wanaag qabiilna laguma tiriyo, ee wiilkaygiyow ha ku sifoobin reer hebel, qabiilkaagana u aqoonso, muslim Soomaali ah oo noqo samafale”…. Alle ha u naxariisto aabahay, iyo aabbeyasheenna kale oo dhan.
Intaas aan ku dhaafno sheekadaas oo ahayd hogatusaalayn waalid, iyo waxyeello qabyaaladeed.
Ma laga yaabaa inay rajada noo bilaan?
Bal si qoto dheer iila dhugo.
Xaashi Furre oo gurigiisa Muqdisho xoog lagaga haysto
Waa ilmo yar oo aan waxba galabsan, balse ku dhashay guri ay waalidiintiisu xoog ku qabsadeen, xaqdarrana isku lahaysiiyeen, waxana waalidka dhalay uu ka filayaa ilmahaasi inay noqdaan kuwo adduun iyo aakhiraba anfacaad u yeesha, oo ummaddana wax tara.
Waalidku wuxuu isku dayayaa inuu ilmahaas waxbaro, tallaabada koobaadna waa barashada Qur’aanka kariimka ah, oo ilmahaas rajada mustaqbalkiisa lagu ifinayo!
Ma ihi mufti diimeed, mana jecli inaan wakhti ku bixiyo xaaraan-nimada iyo xalaalnimada ilmahaas, balse waxaan wada fahmi karnaa in casharaka Qur’aanka ah ee uu macalinka dugsigu soo siiyo ardaygaas uu ka saamayn badanyahay casharka kale ee uu waalidkiis ka bartay ee ah ku qabso ku qadi mayside! Waxaan ka fili karnaa ilmahaasi in isagoo xaafidul-Qur’aan ah uu haddana sameeyo sidii waalidkii kale oo uu ku dhiirrado inuu xoog ku qaato hanti aanuu lahaansheheeda xaq u yeelan!
Bal haddana eeg, waa ilmo yar oo aan dambi lahayn, oo uu dhalay aabbe Budhcad-badeed ah oo aan anshax iyo asaxaan lahayn, kummannaan Doollarna ku soo burburiyay inuu hablo yaryar oo arday ah baro, tumasho, balwado, iyo dhaqanno kale oo liita, ugu dambayntiina ninkaasi waxa uu guursaday gabadh la soo majara-habaabiyay oo ku dhacday dabinkii budhcaddaas, lagaba yaabee inay ismoodeen inay isqabaan balse aanuu jirin meher u dhexeeya! kaddibna ay arkeen ilmo ka dhex beermay, oo si la mid ah kuwii guriga xoogga ku haystay ay iyana dugsi Qur’aan ku ababiyaan, balse ilmahaasi marka uu ka soo noqdo waxbarashada Qur’aanka uu arko, aabbihii oo ay wada fadhiyaan koox kale oo dabley budhcad badeed ah, oo qaad, khamri, iyo xashiishad si wadajir ah loo cabbayo, iska daa taase hooyadiina ay baddaasi belwadaha xilligaas dhex mushaaxayso.
Ficillada waalidkaas ka sokow ereyada uu ilmahaasi guriga ka maqlaa waxay aad uga duwanyihiin kuwa uu macalinkiisa dugsiga ka soo maqlo. Waalid caayid, ka sheekeyn fuxshi, dhac iyo afduub oo uu markasta maqlaa waxay noqonayaan casharka koobaad ee ay noloshiisu la falgasho, waxana la fishaa in Qur’aankii la baray uu noqdo mid aan ku dhex tamarin qalbiga iyo addimada ilmahaasi.
Ka quusan mayno inuu Alle ubadkaas iyo kuwo kale oo noloshaas ku dhasha oo dalkeenna ka jira ay noqdaan kuwo wanaagga fara xumahana reeba… Balse ninkastaa midhaha uu beerto ayuu gurtaaye, marka loo eego aragtida aadane, natiijada la filan karaa waa mid baqdinteeda leh.
Bal tanna ila eeg.
Waaba masuul qaran, oo lagu aaminay hantidii ummadeed oo gartay inuu si khilafsan shaqadiisii uga faa’iido wixii uu ummadda u hayay. Fursado ummadda uu hoggaamiyo ay u simmanyihiinna u qoondeeyey inta ay beel wadaagaan, isla markaana kala garan waayay cidda uu mas’uulka u yahay, iyo beeshiisa gaarka ah.
Ardayda masuulkaasi waa inta ka hoosaysa, iyana maxaynu ka filan karnaa?
Dadka wanaagsan
Dadka wanaagsan ee aan ku milmin xumaha midab kasta ku yeeshey oogada Soomaalida, waxay u kala bexeen kuwo ka quustay rajadii, oo niyad jab wayn uu ku habsaday, isla markaana waayay cid maalin uun ka dhagaysata wanaagga, kaddibna iska aamusay, sida nin aan beri ku arkay magaalo ka mid ah magaalooyinka Soomaaliya oo naftiisa ku xukumay in aanuu gurigiisa ka soo bixin illaa inta la helayo dal ay wanaajiyaan bulsho caafimaad qabta.
Kooxda labaad ee Dadka wanaagsan waa kuwo yar oo aanay cidina dhagaysan iyaguna ficil aan ku darin wanaaggooda.
Inta xun ayaana sidaas ku shiiqisay intii wanaagsanayd. Kasokow xumaha ay wadaan fidnooleyaashu waxay maalin kasta soo saarayaan arday ay ka dhigayaan waxa ay iyagu yihiin, kuwaasoo qorshohoodu yahay markay iyagu meesha ka baxaan in ay jiraan koox aafadoodii hore u sii qaadda!
Ma jiro qof jecel inuu dalkiisa waligii qurbo joog ka ahaado, mana jiro qof jecel inuu xorriyad la’aan dalkiisa ku joogo, oo ma jiro qof jecel inuu dalkiisu noqdo hoygii cabsiga, noloshana ku hungoobo. Waxa xaqiiqo ah inay jiraan dad isku bahaysta inay rajada xumeeyaan, balse haddaan Rajada rag loo helin, waa hungo nololeed!
Ogow, wanaaggu wuxuu ka bilowdaa qalbiga, waxana ku xiga, addimada, sidaa darteed haddii qof kasta aanuu isagu iska bilaabin ee uu sugo inuu arko ummad wada wanaagsan oo wanaag abuura, waa baddoo biyo laga waayay!
Fadlan rabbaayad ha u noqon, dadka la jaalka ah jahliga, qabyaaladda, iyo xumaha oo dhan, iskuna day inaad adigu beddesho ee yaan adiga lagu doorin, haddaad sidaas samayso rajadu rajo ayay lahaan doontaa, innaguna waynu ku raysan doonnaa.
Adam Shardi Ahmed
Journalist
Facebook: ashardi1
Skype: adam.shardi
Soundcloud: https://soundcloud.com/adam-shardi
Email: adamshardi@yahoo.com, adshardi@gmail.com
http://adamshardi.blogspot.com/