Rajib Ardugan Iyo Xisbigiisii Oo Doorashadii Dalkaasi Kalsooni Tirtay Iyo Rajadiisii Oo ku Jirta Laba Daran mid
Ankara 08.June 2015 (SDN/QJ)- Xisbiga dalkaasi ka taliya ee Caddaalada Iyo Horumarinta ee uu hogaamiyo hadda Daa’uud Ooglo Raysal wasaaraha dalka Turkiga , horena uu u hogaamin jiray Rajab Dayib Ardugan ayaan helin aqlabiyadii u ogolaanaysay in uu soo dhiso xukuumad, isaga oo helay 42% waxaana la sheegay in uu u baahan yahay 16 kursi si uu u dhiso Xukuumad isagu uu hogaamiyo isla markaana dastoorka dalkaasna wax ka badelo, si dalka uu u hogaamiyo madaxweyne awood buuxda lahi.
Xisbiga Caddaalada Iyo Horumarinta waxaa la gudboon laba waddo sida ay sheegeen dadka u guur gala arrimaha dalka Turkiga in uu Xisbiga dadka Kurdidu lee yihiin oo markii ugu horaysay ku guulaystay kuraas badan uu heshiis la galo oo ay soo dhisaan xukuumad wadaag ah.
Iyo in dorashooyin xilligoodii ka soo horumaray la qabto lix bilood ka dib ama sanad , intaasna xukuumada hadda jirtaa dalka sii hogaamiso, Isbadelkan ka dhacay dalka Turkiga waxaa lagu tilmaamay mid raadweyn ku yeelanaya siyaasadda dalkaasi ee gudaha iyo dibada, dalalka ugu horeeya ee uu raad ku yeelanayo isbadelkani waxaa ka mid ah Soomaaliya oo dalka turkigu shantii sanno ee ugu danbeeyey horumarka dhinac walba ka qayb qaadanayey.
Taageerayaasha Xisbigan dalka ka soo talinayey 13 sanno ayaa niyad jabweyn la soo gudboonaaday iyaga oo aan isagu soo bixin dabaal-degyadii ay isugu soo bixi jireen 13 sanno ee laga soo gudbay, waxayna arrimahani muujinayaan in doorashooyinka xorta ahi hadba isbadel aan laga filayn la yimaadaan, ayna suurta gal tahay in dhalaalkii xisbiga Ardugaan aasaasay uu haatan sii gaabinayo, shacabka Turkiguna uu doonayo in ay cid kale tijaabiyaan.
Xisbigan uu hogaaminayey 12 sanno ee ugu horeeyey Dayid Ardugan ayaa dalka Turkiga horumar u horseeday iyada oo markii uu xilka qabtay Ardugan dalka TUrkiga lagu lahaa deyn badan , isla markaana uu ka mid ahaa dalalka ugu horumarka yar, wuxuuna xisbigani ka dhigay dalka Turkiga wadanka 17 dhinaca ganacsiga adduunka , dayntii lagu lahaa dalkana dhamaan waa lawada bixiyey , khasanadda dalkuna waxay yeelatay kayd, wuxuuna dalka Turkigu noqday dalalka ugu horeeya adduunka ee caawiya dalalka iyo dadka tabaalaysan.
Ankara SDN/QJ