Rajadii Laga Qabay In Xal Laga Gaadho Wada-xaajoodka Nuclear-ka Iran Oo Xumaatay iyo Wakhtigii Oo Gabaabsi ah
Geneva:Mar,31,2015(SDN/QJ)-Wada-xaajoodkii ku saabsanaa Hubka Nuclear-ka Dalka Iran oo shalay ka furmay Dalka Zwitzerland, ayaa muujiyey rajo xumo keeni karta inaan natiijo fiicani soo bixin.
Wada-xaajoodkan oo ay ka qaybgeliyaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka lixda ah ee awooda leh iyo Ergada dalka IRAN, ayaan samaynin wax horumar ah, waxana lagu sii dhammaanayaa wakhtigii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay.
Wasiirada Arrimaha Dibadda ee wada-hadalka kula jira IRAN ayaa ah shanta dal ee kursiga joogtada ah ku leh Golaha AMmanka isla markaana leh diidmada qayaxan oo lagu darey dalka Jarmalka waxaana ay la baxeen P5+1.
Maalinta u danbeysa ee loo qabtey wada hadalkan in heshiis laga gaadho, ama IRAn lagu sii hayo cuno qabateynta saaran ayaa ah maanta oo Salaasada ah, waxana soo baxaya ifafaale muujinaya in natiijo la’aan lagu kala dhaqaaqi karo.
IRAN waxay sheegaysaa in ay ku niyad san tahay in heshiis la gaadhayo, waxaase la aaminsan yahay in uu jiro kala qaybsanaan ku saabsan muddada la doonaayo in IRAN ay demiso barnaamijka Nukliyeerkeeda, halka IRAN dooneyso in qayb loo daayo oo ay u isticmaaleyso arrimaha caafimaadka halka qaybo kale ay dooneyso in loo raro dalka Ruushka oo halkaas lagu bacrimiyo.
Dalka Maraykanka ayaa doonayaa in IRAN ay joojiso dhamaan barnaamijkeeda Nukliyeerka muddo 10 sano ah, inkasta oo dalka Faransiisku qabo waqti intaas ka badan.
Sidoo kale IRAN ayaa dooneysa in si deg-deg ah loo qaado cuno qabateynta saarneyd muddada dheer, oo aan wax dib u dhig ah la sameyn, halka dalalka P5+1 ay doonayaan damaanad qaad in ay helaan.
Dalka Israel ayaa si weyn uga soo horjeeda wada xaajoodkan, waxaana ay sheegeen heshiis kasta o ka soo baxa in uu yahay mid aan wanaagsaneyn.
SDN/QJ