Ra’isul Wasaare Somalia Xasan Cali Kheyre oo maanta ka baaqday safar uu dalka uga bixi lahaa,Sababaha Keenay DAAWO
Muqdisho 21. January 2018 (SDN/QJ):-Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka baaqday safar lagu waday in uu ugu ambo baxo dalka Switzerland uu uga qeyb gali lahaa shir Caalami ah .
Sida qorshuhu ahaa Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu waday in uu maanta ka dhoofo magaalada Muqdisho, hasa ahaatee safarkaasi ayaa dib u dhac ku yimid waxa uuna baxayaa sida wararka ku helnay maalinta berito ah.
Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa dalka Switzerland uga qeyb galaya shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka , waxaana shirkan looga hadli doonaa arrimaha kobaca dhaqaalah Adddunka iyo sidii loo caawin lahaa wadamada soo koraya oo Soomaaliya ay kujirto.
Dib u dhac ku yimid Safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa imaanaya xili xiisad siyaasadeed ka jirto magaalada Muqdisho, waxaana saakay xilka Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo kuxigeenadiisa halka kuwa cusub la magacaabay.
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta shirar kala gooni gooni ah kula leh xafiiskiisa Masuuliyin katirsan dowlada Soomaaliya, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo waxgarad ,waxa uuna kala hadlayaa xaaladaha soo kordhay.