|

Ra’isal wasaarihii Ustralia Oo Xilkii Laga Casilay Iyo Mid Cusub Oo La Magacaabay

Zidney:Sep,15,2015(SDN/QJ)-Ra’isal wasaarihii Dalka Ustralia Tonny  Abbot, ayaa xilkii laga xayuubiyey, waxana xilkaas loo doortay Ra’isal wasaare Cusub oo lagu macaabo Malcolm Turnbull.

abbott-casilaad1Malcolm Turnbull oo kamid ahaa xisbiga Tony Abbott ayaa ku eedeeyey Raysalwasaaraha xilka laga qaaday inuu kasoo bixi waayey balanqaadkiisa isla markaana ku guuldareystay inuu wax ka bedalo dhaqaalaha dalka Australia.

Arrintan ayaa keentay in Isniintii shalay xisbiga talada haya ee Liberal Party uu cod u qaado Tony Abbott iyo Malcolm Turnbull oo xilka hogaaminta kuwada tartamay xisbiga dhexdiisa, waxaana guusha ku raacday Malcolm Turnbull oo helay 54 cod, halka Abbott uu helay 44 cod, waxaana xilka loo dhaariyey Raysalwasaaraha cusub Malcolm Turnbull.

Raysalwasaaraha cusub ayaa noqonaya kii 6-aad oo uu dalka Australia yeesho muddo siddeed sano gudaheed ah.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed