Ra’isal Wasaarihii Hore Ee Soomaalia Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Ujeedadda Madal Siyaasadeed Oo Uu Dhawaan Aasaasay
Washington:April,16,2015(SDN/QJ)-Ra’isal wasaarihii hore ee Dalka Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo haatan ku sugan dalka Maraykanka, ayaa faahfaahiyey Ujeedadda Madal siyaasadeed oo ay ku midaysan yihiin siyaasiyiin miisaan badan lihi, taas oo uu isagu Gadh-wadeen ka yahay.
Mudane Cabdiweli oo u warramayey Idaacadda VOA-da, ayaa sheegay in ujeeddada madashaasi tahay sidii ay u muujin lahaayeen Baahida loo qabo in dalka soomaalia laga qabto Doorasho qabsoonta Sanadka soo socda, sida horeba loo qorsheeyey.
Mudane Cabdiweli oo ka Hadlay ujeedadda Madashaas siyaasadeed iyo cidda ku Bahawday, ayaa Hadalkiisa ku bilaabay,
“madashu waa kulan soomaaliyeed oo afkaarta iyo waxqabadka lagu midaynayo si horumar soomaaliyeed loogu dhaqaaqo, fikirkaasna waxa ku midaysan axsaab, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo kooxo bulshada ka tirsan, 2016- soomaalidu waa inay wax doorataa oo doorasho dhacdaa, taasna waa soo jeedinay waana waxyaabaha aanu haatan u socono waana in la helo doorasho xor ah oo ah xaq aanay dadka soomaaliyeed muddo afartan sano aanay helin”
Cabdiweli Sheekh Axmed waxa uu sheegay in fikir ku saabsan sidii dadka qurbaha ku dhaqan ee Soomaalida ah iyo Ajaanibta dalka Somalia daneeya uu u jooga Dalka Maraykanka, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu si fiican u dhegaysan doono, aragtidoona il gaar ah ku eegi doono.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com