|

Ra’isal Wasaarihii Dhawaan Baarlamaaanka Somalia Kalsoonida Kala Noqdeen Oo Loo Magacaabay Xil Cusub

Muqdisho:Feb,17,2015(SDN/QJ)-Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa loo doortay Guddoomiyaha Madasha wadatashiga iyo midnimadda umadda Soomaaliyeed, iyadoo Madashani shalay dooratay Hoggaankeeda sare.

meergMadashan oo ka kooban Xildhibaano iyo siyaasiyiin magac dheer ku leh dalka Soomaaliya, ayaa ujeedkiisa loo asaasey yahay sidii ay talada dalka wax ugu yeelan lahaayeen mustaqbalka soo socda.

Madasha Midnimada ayaa shalay doortey guddoomiye iyo labadiisa ku xigeen, waxaana guddoomiyaha Madasha Midnimada iyo Wadatashiga loo doortey raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Shiikh Axmed, labadiisa ku xigeen ayaa loo doortey Cabdiraxmaan Baadiyow, oo sanadkii 2012 ka mid ahaa Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xildhibaan. Xuseen Carab Ciise oo mar soo noqdey Wasiirka gaashaandhigga. Waxaana xogyaha madaxasha loo doortey Cali Maxamed Maxamuud.

Dr. Cabdiweli Shiikh oo madashii loogu doortey Guddoomiyaha Madasha ka hadley ayaa faahfaahin ka Bixiyey u jeeddada madasha uu hoggaamiyaha u noqday,

“Madasha Midnimadda & Dimoqraadiyaddu cidna duullaan kuma ahan, Dowladda cadow lama ahn bal waa la shaqeyneynaa si loo gaaro yoolka la hiigsanaayo, talona waan siineynaa” ayuu yidhi Cabdiweli sheikh Axmed.

Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Shiikh ayaa miisaan siyaasadeed ku yeeshey Soomaaliya kadib markii dad badan oo ka soo horjeeda siyaasadda Damuljadiidku ay arkeen in u yahay nin go’aan adag, isla markaana leh awood uu wax dalka uga qaban karo, waxaana taageerayaashiisa ka mid noqdey Xildhibaano badan oo aaminsan in lugaha loo bixiyo siyaasadda Damuljadiid ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

Madasha wadatashiga ayaa ah kan ugu awoodda badan dhaq-dhaqaaqyada isu diyaarinaya isbeddelka 2016 , inkasta oo shaki weyn laga qabo in xil kororsi uu dhaco.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed