Ra’isal Wasaare Saacid Oo la Sheegay Inuu Bastoolado Siiyey Qaar ka mid ah Shaqaalaha idaacadaha Muqdisho
Muqdisho:2-Sep-2013(SDN)-Warar oo ku dhaw aqalka uu Deggan yahay Ra’isal wasaare saacid ayaa sheegaya inuu Ra’iisal wasaaruhu uu bastoolado ay isku ilaaliyaan siiyey wariyayaal ka hawl gala idaacadda shabelle ee magaalada Muqdisho.
Ujeedadda uu ra’iisal wasaaraha u siiyey Bastooladahan, ayaa ahayd sidii ay isku ilaalin lahaayeen maadaama dilalku ku bateen wariyayaasha, waxase abuurmay buuq iyo sawaxan ka dhex abuurmay wariyayaasha dhexdooda.
Sida laga soo xigtay ilo wareedyo aan is-magacaabin sababo amni aawadood, R.wasaare Saacid waxa uu bixiyay bastoolado aan ku filneyn guud ahaan wariyaasha arintaas oo keentay in uu wariya waliba u hanqal taago qaadashada Bastooladaha iyada oo maamulka sare ee idaacadana uu qaatay go’aan ah in lasiiyo bistooladaha wariyaasha isaga ku dhaw isaga oo qaar badan oo kamid ah shaqaalaha oo marka ay xarunta soo gelaayaan la baadho cabsi laga qabo aawadeed amar ku bixiyay in bastooladaha gacantooda laga ilaaliyo.
Arinta bistooladaha oo in badan qarsooneed ayaa waxa ay soo baxday kadib markii qaar kamid ah wariyaashii loo diiday in lasiiyo ay isaga tageen shaqada ayna uga sheekeeyeen asxaabtooda wixii dhacay.
Danta uu ka leeyhay R.wasaare Cabdi Faarax Shirdoon bistooladahaan uu dhiibayo ayaa lagu sheegay mid uu kaga dalbanayo waji ay kula shaqeeyaan marka uu khal-khal siyaasadeed ku yimaaddo, waxase sababta ugu mudani ay tahay inaanay idaacadda Shabelle waligeed haahinin war ka dhan aqalka ra’isal wasaare saacid.
Dadka indha indheeya xaaladaha noocan oo kale ah ayaa waxa ay odoroseen in uu soo dhawyahay xilligii R.wasaare Saacid uu guran lahaa midhaha dalagii uu abuurtay ee ahaa in si badheedh ah u garab istaago Shabeelle, maadaama xilligan si aad ah loo hadal hayo in wax badan laga bedeli doono xukuumadda.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com