|

Ra’isal Wasaare Saacid oo Kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweynaha iyo Dhigiisa Yemen

Sanca 09.Sep 2013 (SDN)- Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon”Saacid” ayaa magaaladda Sanca ee dalka Yemen kula kulmay  Madaxweynaha dalka Yemen Mudane Cabdu Rabbuh Mansur iyo Ra’isul Wasaaraha Yemen Mudane Maxamed Saalim Bassanduwa iyagoo ka wada hadlay iskaashi cusub oo dhexmari doona dalalka Soomaaliya iyo Yemen oo ay ka dhaxayso taariikh Iskaashi, Ganacsi iyo mid dhaqan.

YEMENRa’isul Wasaaraha Soomaaliyana ayaa ka warbixiyay siyaasadda Dawladda ee soo celinta Amniga, Shirka Brussels ee 16-ka September ka furmaya dalka Belgium oo horseedi doona Dib-u-dhiska dalka, heshiiskii Addis Ababa ee Dawladda Federalka Soomaaliya iyo Maamulka Kumeel gaarka ah ee Juba iyo Wada-hadaladda ay kula jiraan Somaliland.

“Waxaan ku soconaa dariiqii aan ku gaarsiin lahayn Soomaaliya in ay ka dhacdo doorasho xor ah oo dadweynuhu ay ku xushaan cidda ay u arkaan in ay u hogaamiso Dawladnimadda iyo hirgalinta Dastuur rasmi ah oo Soomaaliya ay yeelato, waxaa sidoo kale aan ku guda jirnaa shirar dib-u-heshiisiineed oo aan isugu furayno quluubta Shacabka soomaaliyeed, Yemen waxaa ay kamid tahay Dawladaha aan jecelnahay in ay gacan ka gaystaan sidii loo xaqiijin lahaa dhamaan isbadaladaasi aan rabno in dalka ay ka dhacdo” Ayuu yiri Ra’isul Wasaare Saacid

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay Dawladda Yemen kaalinta ay ka qaateen soo dhoweynta Qaxootiga Soomaaliyeed, iyo la dagaalanka Burcad badeedka, waxuuna codsaday  in ay taakulayn u fidiyaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen iyo sidii wadajir la isaga kaashan lahaa, loogana hortagi lahaa Tahriibka

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Yeman ayaa sheegay in labada dal ay ka dhexeeyaan waxyaabo faro badan, muhiimna ay tahay  in la adkeeyo xariirka ka dhaxeeya labada wadan.

“Waxaan diyaar u nahay in aan idinka caawino sidii ay Soomaaliya kusoo kaban lahayd maadaama aan wadaagno waxyaabo aad u fara badan isla markaana xiriir dheer uu ka dhaxeeyo Yemen iyo Soomaaliya” Ayuu yiri Ra’iusl Wasaaraha Yemen Maxamed Saalim Bassanduwa oo ka hadlayay Shirka Golaha Wasiiradda ee Yemen.

Waxaa sidoo kale Maanta Ra’isul wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisu ay kulan gaar ah la qaateen Madaxweynaha Dalka Yemen  Mudane Cabdu Rabbuh Mansur iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen Xaaladda Soomaaliya iyo fursadaha muuqda ee Dawladda Soomaaliya ay ku talaabsatay.

Madaxweynaha Yemen waxaa uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin in Soomaaliya u muuqato in ay kasoo kabanayso dhibaatooyinkii dalka ka dhacay muddada dheer isagoo dhanka kalana xusay in bulshadda caalamku ay hadda diyaar u tahay sidii ay ku caawin lahaayd Soomaaliya.

Markii ay kulamadan soo idlaadeen waxaa Ra’isul wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisu ay qado sharaf u sameeyeen Ra’isul wasaaraha Yemen iyo Xubno ka socday Golihiisa Wasiiradda.  Waxaa sidoo kale la filayaa in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa in ay caaw la kulmaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Yemen.

Sanca SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed