|

Ra’isal Wasaare ku Xigeenka Somalia oo faahfaahisay Heshiis ay kala Saxeexdeen Soomaaliya iyo Shiinaha oo Muqdisho lagu qabtay {DHAGAYSO}

Muqdisho 09.Sep 2013 (SDN) Ku-simaha ra’iisul wasaaraha Somalia  ahna wasiirka arrimaha dibadda Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa Maanta kulan la qaatay wafdi ka socda dalka Shiinaha oo uu horkacayo danjiraha u fadhiya Kenya, Liu Guangyoun.

Heshiiska_Somalia_iyo_Shiinaha_3Wafdigan ayaa ahaa khubaro indha-indhayn ku samaynayay xarumihii hore ee dowladda Shiinaha ay ka dhistay Soomaaliya, kuwaasoo bur-bur xooggan ay kasoo gaareen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxaana ka mid ah goobahaas, Tiyaatarka Qaranka, Garoonka Kubadda Cagta ee Muqdisho, Isbitaal Banaadir iyo dhul ay siisay dowlada Soomaaliya dalka Shiinaha si ay uga dhistaan safaaradooda Soomaaliya.

Guji Halkan oo Mobilkaaga ka Dhagayso Hadalka Ra’isal Wasaare Xigeenka
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/FoosiyaShine.mp3″]
Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed