|

Ra’isal Wasaare Haile Mariam Desalegn oo Qasriga Madaxtooyada Itoobiya ku qaabilay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punt land

Addis Ababa 03.Sep 2013 (SDN)  Rai’sul Wasaaraha dalka Ethiopia Dr. Haile Mariam Desalegn ayaa maanta [Sept 3, 2013] ku qaabilay Qasriga Madaxtooyadda dalkaasi Madaxweynaha Dowladda   Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Wafdiga Puntland oo uu   ka mid yahay Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame.

 

Kulankani waxaa looga wada hadlay horumarinta amniga iyo dowladnimada   Soomaaliya, arrimaha ku saabsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya, iyo xiriirka u   dhaxeeya Ethiopia iyo Puntland ee dhanka amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

faroole iyo hayle1Rai’sul Wasaaraha Ethiopia wuxuu hoosta ka xariiqay in Ethiopia iyo dhammaan   Dowladaha Urur-Goboleedka IGAD ay taageersan yihiin in dib u dhiska iyo dib u   heshiisiinta Soomaaliya lagu saleeyo Dastuurka Federaalka iyo hirgalinta nidaamka   Federaalka, sida dhisida Maamullada Federaaliga ah (States).

faroole iyo Hayle2Madaxweynaha Puntland ayaa ku ammaanay Dowladda Ethiopia doorkii ay ka   ciyaartay heshiiskii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Dowladda Federaalka   Soomaaliya iyo maamulka Jubaland Aug. 27, 2013. Madaxweynaha Puntland wuxuu   sidoo kale ka hadlay xoojinta xiriirka dhanka amniga iyo isku xirka ganacsiga iyo   dhaqaalaha si Mandaqaddu u hormarto.

 

Wafdiga Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Farole ayaa soo gaaray   magaalada Addis Ababa Sept. 2, 2013, iyadoo xalay uu casho sharaf u sameeyey   Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Tedros Adhanom.

Addis Ababa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed