|

Ra’isal Wasaare Cabdiweli Oo Markii Ugu Horraysay Faahfaahin Ka Bixiyey Weerarkii Maraykanku Ku Qaaday Saraakiisha Al-shabaab

Muqdisho:28-Jan-2014(SDN)-Ra’isal wasaaraha cusub ee Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Duqayntii Maraykanku Laba Habeen ka Hor ka Geystay Gobolo ka mid ah Goobaha Shabaabku Gacanta ku hayaan.

bidaariRa’isal wasaaraha ayaa war uu Boggiisa twitterka Soo Dhigay ku sheegay in Duqayntaas lagu Dilay Hoggaamiye Sare oo ka Tirsanaa Alshabaab, kaas oo lagu magacaabi jirey Axmad Cabdiqadir Amu (Isku dhuuq )iyo laba kamid ah ilaaladiisa.

 

Cabdi Wali Sheekh Axmed ayaa tilmaamay Weerada Noocan ah ee lala eeganayo Hogaamiyaasha Al-Shabaab ay yareyneyso dad uu sheegay in ay yihiin Jihaad doon oo kusoo qul qulaya Gudaha Soomaaliya si ay gabaad uga dhigtaan.

 

Ra’izul Wasaaraha ayaana sheegay in Dowlada Soomaaliya ay la shaqeneyso Dowladaha Caalamka ee dagaalka kula jira waxa loogu yeedho Argagaxisada iyo sidii Soomaaliya looga cirib tiri lahaa Xarakada Al-Shabaab.

 

Ra’izul Wasaare Cabdi wali ayaaa tilmaamay in Hogaamiyaha Duqeynta lagu dilay ee Isku dhuuq in uu ahaa Hogaamiyaha Kooxda Amniyaatka Shabaab oo ah Kooxda Masuulka ka ah Sirdoonka Milatariga Shabaab iyo iyo dillalka qorshaysan.

Ra’isal wasaare Cabdiweli ayaa noqonaya masuulkii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed ka Hadla Duqaynta Maraykanku ka fuliyey Gudaha somalia, waxana jira Warar sheegaya inaanay Dawladdu waxba ka Ogayn Weerarkaas, isla-markaana aan lagala Tashanin.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed