|

Ra’isal Wasaare Cabdiweli Oo 2-bilood Kadib Magacaabay Wasiirka Amniga

Muqdisho:July,09,2014(SDN/QJ)-Kadib markii uu Qarax Baarlamaanka laga Fuliyey Dartii isku casilay Wasiirkii hore ee Amniga somalia, ayuu muddo dheer kadib xalay Ra’isal wasaare Cabdiweli Magacaabay Wasiir cusub oo Amniga Somalia  yeelan doonto.

eregWaxaa wasiirka amniga qaran xukuumada Soomaaliya loo magacaabay Khaliif Axmed Ereg oo ahaa taliyihii hore ee haya’dda nabad sugida qaranka ee gobolka Banaadir, sida uu saxaafadda wareegto ugu akhriyey Mustaf Dhuxulow oo ah wasiirka warfaafinta.

Khaliif Ereg waxa uu kasoo jeeda beesha Habar-Gidir- Sacad – Reer Ayaanle, waxaana uu buuxin doonaa booskii uu banneeyey Cabdi Kariim Guuleed, oo ay isku reer yihiin, kaasi oo is-casilay kadib weerarkii xarunta baarlamanka.

Magacaabista Ereg, ayaa timid kadib markii Al-Shabaab ay xalay mar kale weerar culus ku qaadday xarunta Villa Somalia, oo saacado ay ka dhex dagaalameysay.

Ereg, ayaa si darran Al-Shabaab ula dagaalamay intii uu ka hoos shaqeynayey madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, waxaana laga sugayaa inuu wax ka qabto xaalka Muqdisho ee amnigiisa faraha uu ka baxay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed