|

Ra’isal wasaaraha Somalia Oo Xuduudda Maamul-goboleedka Puntland Ku Tilmaamay Lama Taabtaan

Hargeysa:Jully,18,2015(SDN/QJ)-Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Ra’isal wasaaraha Somalia, ayaa sheegay in xuduudda Maamul-goboleedka Puntland ay tahay lama taabtaan oo aan waxba laga beddel Karin.

sahreRa’isal wasaaraha oo salaaddii ciidda ku tukaday deegaanno ku yaalla Gudaha Maamulkaas, ayaa goob fagaare ah ka sheegay in si qaranka somaliweyn loo dhiso ay waajib tahay in xuduudda Maamuulka Puntland aan la taaban Karin, “Dal iyo qaran ayaa dhisaynaa, dal iyo qarankaasi la dhisaayana ma ahan in qolo ay dhibaato kasoo gaarto, waxaan rabaa inaan idin cadeeyo Puntland xudeedaheeda iyo jiritaankeeda waa lama taabtaan, waana jiraysaa insha allaah, iyadaana ahayd runtii hooyaddii Federaalka Soomaaliya, waxaan lee yahay Soomaali waxaa loo baahan yahay inay is-cafiso” ayuu yidhi Sharmaarke

Sharmarke ayaa sidoo kale shacabka Puntland ka codsaday inay adkaystaan ammaankooda, lana shaqeeyaan mamulkooda si horumarka hada jiraa usii xoogaysto.

Hadalka Ra’isal wasaaraha ayaa yimi xilli ay jirto muran xooggan oo Maamulka Puntland iyo Dawladda  federal-ka ah u dhexeeya, kaas oo salka ku haya Dhismaha Maamulka Galmudug oo ay puntland si weyn uga cabatay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed