Ra’isal Wasaaraha Somalia oo ka Baaqday Maanta Gaalkacayo Kuna Sugan Kismaayo
Kismaayo 17.April 2014 (SDN)- Ra’iisul wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa maalinkii shanaad ku sugan magalada Kismaayo xarunta mamulka Jubba.
Shirar kala duwan oo looga hadlayo hormarka Jubba ayuu la qaatay mamulka,haweenka,dhalinyaradda iyo waxgaradka wuxuna ugu baaqay inay si cadaalad ah ula shaqeeyaan mamulka Axmed Madoobe.
Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa sidoo kale ciidanka Jubba ku dhiirigaliyay inay muujiyaan karti iyo dul-qaad si loosoo afjaro kooxda Alshabab oo awoodii ay ku lahaayeen koonfurta iyo bartamaha dalka wiiqan tay.
Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya inuu maanta ka baaqday socdaal uu ku tagi lahaa RW Cabdiwali magalada Gaalkacyo iyadoona uu kulan la qaadan lahaa madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Ammaanka magalada Kismaayo ayaa maanta si wayn loo adkeeyay balse Cabdiwali Shiikh Axmed iyo madaxwayne Axmed Madoobe waxay isku mari la yihiin mamulka dekadda iyo garoonka diyaaradaha magalada Kismaayo.
Mamulka Jubba ayaa horay u sheegay inaysan wareejin doonin mamulka labadaasi xarumood ilaa si hufan loo dhaqan galinayo qaar ka mid ah qodobadii lagu heshiiyay shirkii Addis ababa ka dhacay sanadkii hore dhamaadkiisii.
Kismaayo SDN.
Contact@qurbejoog.com