|

Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Jabuuti kula Kulmay Madaxweynaha Punt land

Jabuuti 08.Sep 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon iyo madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa xalay qaatay kulan saacado qaatay oo la sheegay inuu billow u yahay wada-hadal dhex mara labada dhinac.

Shirdoon-iyo-Faroole-300x225War qoraal ah ayay xukuumadda federaalka ku sheegtay in kulanka uu dhacay kaddib casho sharaf ay qaateen wufuudda raysul wasaaraha iyo madaxweynaha Puntland.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku rajo weyn in uu furmo wada-hadal rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta maamulka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Wafdiga raysul wasaaraha ee ka qeyb-galay kulanka cashada waxaa ka mid ahaa wasiirka gaashaandhigga, wasiiru dowlaha arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga, wasiir ku xigeennada ganacsiga iyo khayraadka, halka dhinaca wafdiga madaxweynaha Puntland ay ka mid ahaayeen wasiirrada arrimaha gudaha iyo caafimaadka ee Puntland.

Puntland ayaa dhowaan sheegtay inay xiriirka u jartay dowladda dhexe ee Muqdisho iyadoo sheegtay in wax laga baddalay dastuurka federaalka Soomaaliya, eedeyntaas oo madaxda sare ee dalka ay beeniyeen.

Jabuuti SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed