Ra’isal wasaaraha Somalia Oo Dib Ugu Noqday Caasimadda Muqdisho
Muqdisho:Sep,05,2014(SDN/QJ)-Ra’isla wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh axmed iyo wafti ballaadhan oo socdaal ku joogay goobo laga saaray kooxda Al-shabaab ayaa ugu dambayn kusoo laabtay caasimadda Muqdisho.
Ra’isla wasaaraha ayaa kulamo kula yeeshay magaalooyinka Baydhabo iyo Tiyeeglow Saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM iyagoo ka wada hadlay howlgalka badweynta Hindiya ee ka socda gobolada dalka gaar ahaan Baay iyo Bakool.
Ra’isla wasaaraha ayaa ku hambalyeeyey ciidanka xoogga somaliyeed iyo xoogaga kale ee AMOM tallaabooyinka ay kooxda Al-shabaab kaga saareen goobo ay wakhti badan ka talinayeen.
Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sidoo kale magaaladda Baydhabo wuxuu kula kulmay guddoomiyaha baralamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo masuuliyiin ka tirsan dowlada waxayna ka wadahadleen dhameystirka howlaha dib u heshiisiinta iyo dhismaha maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com