Ra’isal Wasaaraha Somalia oo dalbaday in si dhakhso ah Mashaariicda Horumarineed la gaadhsiiyo Jubooyinka
Muqdisho 07.Nov 2013 (SDN) Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ka codsaday xubnaha golaha wasiirrada in adeegyada wasaaradaha dowladda iyo mashaariicda horumarinta la gaarsiiyo deegaannada Jubbooyinka, maadaama ay wax weyn iska beddeleen nabadda iyo xasilloonida deegaannadaasi.
Raysul wasaare Shirdoon ayaa intaas ku daray in deegaannada Jubbooyinka ay ka jiraan baahiyo la xiriira burburka adeegyada kala duwan ee bulshada kuwaas oo ay ragaadiyeen dagaallada muddada dheer ka soconayey deegaannadaas.
Shirdoon oo hadal ka jeedinayay shirka toddobaadlaha ah ee golaha wasiirrada oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa u mahad-celiyey xubnaha ergada ka qeyb-gashay shirka dib u heshiisiinta bulshada Jubbooyinka oo uu sheegay in ay wax weyn ka qabteen aayo-ka-talinta gobollada Jubbooyinka.
Golaha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa dhinaciisa soo dhoweeyay natiijadii ka soo baxday shirka dib u heshiisiinta bulshada Jubbooyinka, wuxuuna xusay in shirkii dib u heshiisiinta ee shalay lagu soo gabagabeeyay Muqdisho uu horseedi doono nabad ku wada noolaanshaha dadka Jubbooyinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com