Ra’isal wasaaraha Somalia Oo Ciidanka AMISOM Ku Amray Inay Ilaaliyaan Ammaanka Shariif Xasan iyo Waftigiisa Ku Sugan Baydhabo
Muqdisho:25-March-2014 (SDN)-Sida ku Cad War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, waxa uu Cambaareeyey rabshadaha iyo is Faham la’aanta ka Taagan Magaalada Baydhabo.
Ra’iisal wasaaraha ayaa si cad ah u amaray ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay in badbaadiyaan wafdiga Shariif Xasan uu hoggaaminaayo ee gaadhay Beydhabo, islamarkaana wasaaraddaha arrimaha gudaha iyo amniga laga doonayo inay sugaan ammaanka odayasha ku howlan dhismaha maamulka seddaxda gobal oo ah midka ay dawladdu Taageersan tahay, balse shacabka Badidiisu sida weyn uga soo Horjeeddo.
Warka qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha waxaa kaloo lagu sheegay in dhawaan la qaban doono shirweyne lagu dhisaayo maamul saddex gobal ka kooban.
Wuxuu dhinaca isku haya Beydhabo ugu baaqay in ay joojiyaan wax kasta oo keeni kara gacan ka hadal iyo iska hor imaad ka dhacay magaalada, isagoo u jeedda Midkii Laba Maalmood ka Hor lagala HOrtagay Shariif Xasan.
Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa laga dheehan karaa in dowladda ay taageersan tahay qorshaha uu wato Shariif Xasan Sheekh Aadan ee in la dhiso maamul kooban seddax gobal oo kala Baay, Bakool iyo Shabeelllaha Hoose.
Tallaabadan uu Ra’isal wasaare Doonayo in laga Hirgeliyo Deegaanka Baydhabo, ayaa laga Yaabaa inay Keento Dhib cusub, maadaama Dadka Halkaas ku dhaqani ay dhisteen Maamul Lix Gobol ka Kooban oo madaxweyne Leh, iyadoo ay wali Ethiopia si weyn u Taageersan tahay Maamulka Halkaas Lagaga Dhawaaqay
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com