|

Ra’isal Wasaaraha Itoobiya oo Mar qudha ka Naxsaday Shacabka Somalida ee Addis ababa ku dhaqan

Addis Ababa 14.Sep 2013 (SDN)- Raysal wasaaraha Dalka Itoobiya Heile Desaley oo ka qaybgalay maalinta dhaqanka iyo hidaha oo lagu qabtay Hotelka Sharaton ee magaalada Addisababa.

Raysalwasaaraha Oo soo xidhay dharka dhaqanka Somalida ayaa qudbad ka jeediyay goobtaasi ku sheegay in Somalidu ka faa,iidaysanayaan korodhka dhaqaalaha Itoobiya,isla Markaana horumar ku talaabsadeen sanadadii ugu dambeeysay waa dhulka Somalida Itoobiya,e.

ra'isal wasaaraha Itoobiya oo kaga yaabiyayRaysalwasaarha ayaa khudbadiisa ku hadalqaaday in Shacabka Soomaalida Itoobiya si xun loola dhaqmay xiligii dawladihii hore ee Itoobiya Soomaray,wuxuuna sheegay in Soomaalidu qani ku tahay Suugaanta iyo dhaqanka isla markaana loo baahan yahay in kor loo qaado oo la baahiyo.

Sidoo kale goobta waxaa ka hadlay Madaxweynaha Kililka Soomaalida Cabdi Maxamed Cumar (Iley) oo sheegay i gobolka Soomaalidu nabdoon yahay loona baahan yahay in la maalgashado isla markaana laga faa,iidaysto khayraadka dhulkaasi eebe ku manaystay.

Gudoomiyaha Barlamanka Federalka Itoobiya Kassa Tekleberham ayaa isna si wayn u amaanay hidaha iyo dhaqanka Soomaalida si wayna uga sheekeeyay in Soomaalidu dhaqanka iyo suugaanta ku horayso loona baahan yahay in kor looqaadu ayuu hadalkiisa kusoo koobay.

 

Soomaalida Dakla Itoobiya ayaa sanadadani dambe aad moodaa in ay fahmeen nabadu in ay halbawle u tahay horumarka gobolkaasi,isla markaana Dawlada iyo ONlf ayaa saxeexday heshiis kaasi oo lagu joojiyay dagaal mudo dheer socday,inkastoo wali garab ka mida ONLF ku jiro kaymaha oo uu dagaalamayo.

Addis Ababa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed