Ra’isal wasaaraha Itoobiya oo isu taagay inuu dhex dhexaadiyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo C.raxmaan Faroole
Addis Ababa 06.Sep 2013 (SDN)- Khilaafka Cirka u sii kacaya ee U dhaxeeya Dowaldda Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedka Punt land ayaa lagu soo waramayaa in R/wasaaraha Itoobiya Xayla Maryam uu ku Hawlan yahay isu soo dhawaynta labada dhinac ee Murankoodu Meesha Ba’an Marayo.
Ra’isal Wasaare Hayle Maryam Waxa Uu sheegay In Soomaaliya Xiligaan ay U baahan tahay Mid dhan walba Laga tageero Isagoo intaas ku daray inay wanaagsanaan lahayd In Madaxda Soomalida Dhex dooda ay Mad madowga soo kala dhex gala ku xaliyaan dariiqa wada hadalka iyo is qancinta..
Waxa uu sidoo kale Soo dhaweeyay in Puntland ay Ka qeyb noqoto xubnaha ka qeyb galaaya Shirka New Deal Ee ka Furmaya Magaalada Brussels ee Dalka Biljimka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu ugu baaqay Xayle Maryam labada dhinac (Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somalia iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punt land inay isu Tanaasulaan, si buu yidhi shacabka Soomaliyeed Ay dhibaatada Uga baxaan.
Addis Ababa SDN.
Qurbejoog.com