|

Ra’isal Wasaaraha Cusub ee Somalia oo balanqaaday inuu dhamaystiri doono Hawlihii horyaalay Xukuumada uu Xilka kala Wareegayo

Muqdisho 13.Dec 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in uu dhammaystiri doono howlihii hor yaallay xukuumaddii uu hoggaaminayay raysul wasaare Shirdoon

cabdiweli-sheekh2Wuxuu sheegay in uu ahmiyadda ugu weyn siin doono dib u heshiisiinta, nabadgelyada, howlgelinta hay’adaha dowladda, baahinta maamulka, qabyo-tiridda dastuurka, hirgelinta federaalka, horumarinta gobollada, kobcinta dhaqaalaha, dib-u-habaynta garsoorka iyo u diyaargarowga doorasho dalka ka dhacda sanadka 2016.

Raysul wasaaraha cusub ayaa intaas ku daray in uu sidoo kale horumarin doono xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya waddammada dariska la ah iyo beesha caalamka, isagoo ka codsaday dalalka iyo ururrada caawiya Soomaaliya in ay sii wadaan kaalmooyinka ay bixiyaan.

Wuxuu tilmaamay gudashada xilkiisa inuu u kaashan doono baarlammaanka, aqoonyahannada iyo qaybaha bulshada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir jaraa’id oo uu shalay Muqdisho ku qabtay wuxuu raysul wasaare ugu magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed. Waa raysul wasaarihii labaad oo ay Soomaaliya yeelato 14 bilood gudahood.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed