|

Ra’iisul wasaarihii dalka Tunuusiya oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu Iscasilay

Tunis Feb 20 2013 (SDN)— Xamadi Jabali Ra’iisul wasaarihii dalka Tunisiya ayaa si rasmi ah uga dhawaaqay Taleefashinka Qaranka dalkaasi in uu iska casilay xilka Ra’iisul wasaaranimo kaddib markii uu la kulmay Madaxweynaha dalka Tunusiya.

Iscasilaada Ra’iisul wasaare Jabaali ayaa ka danbeysay kaddib markii uu ku guuldareystay in uu Axsaabta siyaasada dalkaasi ka dhaadhiciyo soo Magacaabida gole Aqoonyahano iyo siyaasiyiin ka kooban oo dalka samata bixisa dhibaatada daganaansho la’aan ee ka jirta dalkaasi.

Dalka Tunuuniya ayaa hada waxaa ka dhacaya Rabshado aad u xoogan oo kuwaasi oo ka danbeeyay dilkii logeystay hogaamiye Mucaaradka ka tirsanaa oo muddo haatan labo Isbuuc laga jooga ka hor lagu dilay dalkaasi.

Rabshadaha hada ka dhacaya Tunuusiya ayaa ha kuwii ugu xooganaa ee dalkaasi kadhaca tan iyo Markii Xilka laga tuuray Zaynal Caabidin Bin Cali oo ku dhawaad 30-sano dalkaasi ka soo talinayay.

SDN-Tunis

Comments are closed