Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo meesha ka saaray inuu jiro Khilaaf u dhexeeya Madaxda sare ee Qaranka
Muqdisho Sept 21,2014(SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta shir-guddoomiyey kulan aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomalaiya, kaasi oo diiradda lagu saarayey horumarka laga sameeyey ammaanka iyo siyaasadda dalka. Shirkan aan caadiga ahayn ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaala Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud si uu u dhegeysto horumarka Xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ay ka samaysay dhinacyada ammaanka, dibu-u-heshiisiinta, dhismaha maamulada, dhaqaalaha iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka.
“Intii ay jirtay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Mudane Cabdiweli Sheekh, waxaa horumar ballaaran laga sameeyey dhinacyada, siyaasadda, ammaanka iyo dhaqaalaha ee dalka. Waxaa waddanka ka socda hawgallo lagu baacsanayo kooxaha argagaxisada ah iyadoo laga xoreeyey meelo fara badan”
Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale meesha ka saaray khilaaf u dhexeeya madaxda qaranka oo ku aaddan xil-ka-qaadistii lagu sameeyey Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya, kaasi oo ay buunbuunisay warbaahinta Soomaaliyeed. Mudane Ridwaan ayaa tilmaamay in madaxda qaranku ay isku aragti ka yihiin hiigsiga Soomaaliya ee sannadka 2016 iyo qaabka ay xukuumaddu u waddo hawlaha dalka.
“ Maalmihii ugu danbeeyey warbaahinta Soomaaliyeed waxa ay buunbuunisay in uu jiro khilaaf u dhexeeya madaxda qaranka oo ku aaddan arrinta xil-ka-qaadistii lagu sameeyey agaasimhii Hay’adda Nabad-sugidda, runtii arrintaasi ma jirto. Madaxda qaranku isku aragti ayey ka yihiin shaqada ay waddo xukuumaddu iyo hiigsiga sannadka 2016.
“Agaasimihii hore waxa uu xilka hayey muddo 2 bilood ah, wuxuuna waddanka u qabtay waxyaalo muhiim ah. Inta shaqo la qabanayo khaladaad waa imanayaan , wax ayaase laga baranayaa. Xilka qaranku waa meerto qof ayaa ka tegaya mid kale ayaana imanaya”
Kulanka uu yeeshay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu soo gabagabeeyey iyadoo la wada qaadayo heesta astaanta qaranka ee “Soomaaliyeey Toosoo” si loo muujiyo midnimada Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxda Qaranka.
SDN/QJ-Muqdisho