Raiisul Wasaare Gaas:Somaliland waxaan ka wada hadaleynaa Midnimo
Muqdisho April 13,2012(SDN)-Raiisul wasaaraha DFKMG ah oo maanta u waramay BBCda ayaa sheegay in wadahadalka dhexmari doona Somaliland iyo Soomaaliya uu ku saleysnaan doono Midnimo.
Raaiisul Wasaare Gaas ayaa sheegay in dhawaan ay magacaabi doonan guddi Wasiiro ah oo la xaajooda Somaliland.
Raiisul wasaaraha ayaa sheegay in aan weli la cayimin Goobta ay ku wada hadalayaan balse arrintaa ay labada dhan ka wada xaajoon doonaan.
Warar hoose ayaa sheegaya in wadahadaladaasi ay haatanba socdaan oo xubno DFKMG ah ka tirsan ay Hargeysa u jogaan arrintan.
Waa markii u horeysay ee DFKMG ahi si toosa u cadeysay waxa uu ku saleysnaan doono wadahadalka Somaliland iminka xiiseyneyso.
Madaxweynaha Somaliland oo ah ruuxa qudha ee og waxa wadahadalkani daaran yahay ayaan ilaa iyo haatan aan si shaki saara uga hadal qorshihiisa.
SDN-Muqdisho