Ra’iisul wasaare Gaas: “Waa fulaynimo qaraxyadii ay ka gaysteen Muqdisho”
Muqdisho Dec 01, 2011(qurbejoog.com)- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxyadii kala duwanaa oo ay shalay Shabaabku ka gaystaan Magaalada Muqdisho.
C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay qaraxyadii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo lagu kala qaaday Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Haween ku howlanaa soo celinta bilcida Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa uu si kulul u cambaareeyay weerarada ay gaystaan Al Shabaab oo uu ku tilmaamay mid fulaynimo ah, wuxuuna carabka ku dhuftay in marna aan laga hori doonin Ururkaasi oo uu sheegay inay u taagan yihiin dhibaataynta dadka shacabka ah.
Dr.Gaas ayaa waxaa uu tacsi u diray dhamaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Shabaab markii looga adkaaday dagaaladii ka dhacay Muqdisho ay bilaabeen inay qaraxyo la bartilmaameedsadaan dadka rayidka ah iyo shacabka Muqdisho taasi oo uu sheegay in goor dhow ay wax badan ka qabanaayaan sida uu hadalka u dhigay.
Al Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerar shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho kaasi oo ay ku geeriyoodeen askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo saraakiisha dowladda KMG ay sheegeen in marna aysan ka hari doonin oo aysan hakin doonin howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab.
Qurbejoog-Muqdisho