|

Ra’iisul wasaare Gaas iyo Caalin oo gaaray Garoowe iyo shirkii oo wadatashiga oo Galabta furmay

Garoowe Dec 21,2011(qurbejoog.com)- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dagay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal si ay ugu qeyb qaataan Shirka wadatashiga wajigiisa labaad.

 C/wali Max’ed Cali Gaas, Ra’iisul wasaaraha ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo la tilmaamay in diyaaradaasi ay caga  dhigatay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug halkaasi oo ay iska sii raaceen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Max’ed Axmed Caalin oo isna qeyb ka ah ka qeyb galka shirka wadatashiga Qaramada Midoobay ee Magaalada Garoowe.

 

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, iyagoo usii dhaqaaqay Xarunta Jaamacadda oo ah goobta lagu qabanayo shirka wadatashiga.

 Saacadihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Garoowe waxaa ka furmay shirka wadatashiga oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay, iyadoo guud ahaan Mas’uuliyiintii ka qeyb gali laheyd shirkaasi ay ku xaadireen Magaalada Garoowe.

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana Ciidamada Maamulka Puntland la dhoobay Magaaladaasi, iyadoo sidoo kale goobta uu shirka ka socda lagu waday xiray Kaamiro la socota dhaq dhaqaaqa halkaasi ka socda oo ku aadan arrimaha ammaanka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha Soomaaliya gaar ahaan Dastuurka, sidii looga bixi lahaa KMG iyo waxyaabo kale.

Wixii kusoo kordha kala soco Website-ka Somalidiasporanews.com

Qurbejoog-Garoowe

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed