Raiisul wasaare C/wali oo Ciidamada xooga ugu baaqay xaqiijinta ammaanka Muqdisho
Muqdisho Dec 10,2011(Qurbejoog.com)- Isagoo ka hor hadalayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/wali Max’ed Cail Gaas boqolaal Ciidan oo tababar loogu soo gaba gabeeyay duleedka deegaanka Jaziira ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed looga baahanyahay inay ka shaqeeyaan ammaanka Soomaaliya.
C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa waxaa uu sheegay in dalka uu galayo maraxalad cusub, Ciidamad qalabka sidana looga baahanyahay inay la jaanqaadaan marxladaasi, wuxuna carabka ku dhuftay in Ciidamada dowladda sidoo kale lagama maarmaan ay tahay inay la yimaadaan caqlaaq qancsiga shacabka Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa uu intaasi ku daray in dalka loo baahanyahay in uu galo marxalad kala guur ah, isagoo xusay in laga baxayo qabaa ilaadka iyo dhibaatooyinka kale ee kajira Soomaaliya, wuxuuna Ciidamada qalabka sida ku booriyay inay ka qeyb qaataan ammaanka Soomaaliya iyo soo celinta bilicda Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkaani ayaa waxaa uu imaanayaa xilli qaar ka mid ah Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya mararka qaar iska horimaadyo qasaaro gaysta uu ku dhexmaro degmooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho, iyadoo inta badan isku dhacaasi ay qasaaro kasoo gaaraan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Qurbejoog-Muqdisho