Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo Garoowe kaga QaybgalayXuska Maalinta Qaran ee Calanka Soomaaliya
Garoowe Oct 13, 2014(SDN/QJ) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta ka qaybgalay xaflad ballaaran oo lagu xusayey sannad-guurada lixdanaad ee maalinta qaran ee calanka Soomaaliya oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Calanka Soomaaliya ayaa sannad walba la xusaa 12-ka bisha October oo ah maalintii la sameeyey ee sannadkii 1954-tii.
Munaasibaddan lagu xusayey maalinta calanka Soomaaliya waxaa Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ku wehelinayey Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madax kale oo ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, iyadoo sidoo kale ay madasha fadhiyeen arday, waxgarad, aqoonyahanno iyo dhammaan qaybaha bulshada.
“Maanta waa maalin ku weyn taariikhdeenna iyo dawladnimadeena. Waa maalintii aynu yeelanay calankan qiimaha badan oo astaan u ah haybteenna Soomaalinimo. Waxaan ugu hanbalyeynayaa maalintan dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waa in aynu xusnaa oo farxad ugu dabaaldegnaa maalintan. Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu
“Calanku waxa uu xanbaarsan yahay micno weyn oo ah midnimadeena iyo qaranimada aynu kaga mid nahay adduunka.Waxaan ku bogaadinayaa shacabka Puntland iyo maamulkooda rabitaanka sarreeya ay u hayaan midnimada iyo calanka Soomaaliya”. Ayuu raaciyey Mudane Cabdiweli
Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isaguna hadal ka jeediyey madasha lagu xusayey Maalinta Qaran ee Calanka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hanbalyeeyey maalintan muhiimka ah, isagoo tilmaamay in loo baahan in loo wada hawl galo sidii loo celin lahaa sharftiisa.
Dhinaca kale, Isla xafladan lagu qabtay hoolka Jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Garoowe ayaa qayb ka mid ah lagu daahfurayey olole qaran oo lagu gargaarayo dadka gobolka Gedo ee ay abaaruhu halakeeyeen. Madaxda Jaamacadda Bariga Afrika ayaa soo jeedisay in shacab iyo dawladba laga wada qaybqaato oloaha qaran ee gargaarka loogu fidinayo dadka Gobolka Gedo. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ugu baaqay in gargaar degdeg ah loo fidiyo dadka Gobolka Gedo iyo gobolada kale ee abaartu ka jirto, iyagoo sheegay in Dawladda Federaalka iyo Puntland ay gargaarkaasi qayb weyn ka qaadanayaan.
Ugu danbayntii, Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Mudane Aadan Sheikh Doon ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed guddoonsiiyey shahaado sharaf uu ku mutaystay hoggaamintiisa wanaagsan iyo halganka uu ugu jiro nabadaynta iyo adkaynta dawladnimada Soomaaliya.
SDN/QJ-Garoowe